Su’aalo ka dhashay geerida deg degga aheyd ee ku timid R/W hore ee Soomaaliya

Jigjiga (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Jigajiga ee dhulka Soomaali Galbeed ku geeriyooday Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galayr, waxaana soo baxaya su’aalo ku aadan geerida mas’uulkaan.

Cali Khaliif Galayr ayaa tagay Jigjiga isagoo caafimaad qaba, waxaana la soo warinayaa in uu ku dhintay gudaha hoteelkiii uu daganaa, ilaa iyo haddana ma jirto cid faah-faahin ka bixisay geeridiisa.

Dad badan ayaa baraha ay bulshada ku kulmaan iska weydiinaya sababtii keentay geeridii deg degga aheyd ee Prof. Galayr, taas oo lamid aheyd geeridii deg dega aheyd eek u timid Alle ha naxariistee weriyihii weynaa ee Axmed Xasan Cowke oo dhintay 17-kii Nov sanadkii 2015.

In badan oo kamid ah shacabka ayaa ku taliyay in la baaro geerida marxuumka, waxeyna dadweynaha qaarkood ay baraha bulshada ku qoreen inuu fuuq bax ugu dhintay gudaha hoteelkii uu daganaa oo aan la geynin wax Isbitaal ah.

Madaxda dowladda Soomaaliya iyo madaxdii hore ee dalka ayaa ka tacsiiyay geerida Marxuumka waxaana sidoo kale jirin wax war ah oo ka soo baxay mas’uuliyiin dowlad degaanka Soomaali Galbeed oo ay maamusho Itoobiya.

Galayr ayaa maalmo ka hor shir jaraa’id uu qabtay waxa uu ku cabaareeyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo su’aal laga weydiiyay arimaha Sool, Sanaag iyo Ceyn sheegay in uusan ka jawaabi karin.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Madaxweyne Mustafa Cagjar uu guddi u saaray geerida Marxuumka si loo baaro waxa ku dhacay maadaama ay jiraan tuhuno badan oo ku geedaaman geerida Ra’iisul Wasaare Galayr.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi soo qaban qaabiya aas Qaran oo Muqdisho loogu sameynayo marxuum Cali Khaliif, kuwaas ka kooban seddax xubnood.

Sii-hayaha ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa guddoomiye looga dhigay guddigaas, waxaana ku wehliya sii-hayaha wasiirka arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad iyo sii-hayaha wasiirka kalluumeysiga Cabdullahi Bidhaan Warsame.

Hoos ka aqriso warqadda