Sucaad Carmiye oo si cajiib ah uga hadashay kulankii wasiirada DF iyo Muuse Biixi

Hargeysa (Caasimada Online) ― Sucaad Yuusuf Odowaa (Sucaad Carmiye) oo ka mid ah Haweenka Aqoonyahanka reer Somaliland ayaa ka hadashay kulankii ay dalka Sacuudiga ku yeeshen Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiiro ka tirsan DF Soomaaliya.

Sucaad Carmiye ayaa sheegtay in Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi uu masiirkii Somaliland madaxa ku sito isla markaana aysan habooneyn in uu la kulmo oo sawir la galo xubno ka tirsan dowlada federaalka.

Sucaad ayaa sidoo kale ka dhawaajisey in dowlada Soomaaliya ay kala dhaxeyso dagaalo dhowr ah oo dhanka siyaasada iyo dhaqaalaha ah, taasi oo ay ku macneysay inay xaarantimeynayso in la isla sawiro.

Sucaad Carmiye oo warbaahinta kula hadleysay gudaha magaalada Hargeysa ayaa kulankaasi ku tilmaamtay mid uu Madaxweynuhu la yeeshay ragg Somaliland albaabadii caalamka ka soo xirayey, waxayna tiri

“Madaxdu way kala duwantahay qiyam kala duwan bayna leeyihiin, madaxwaynuhuna masiirkii Somaliland buu madaxa ku sidaa, meeshuu istaagaba waa sawirkii Somaliland markaa anigu ma hubo sawiradani inay sax yihiin laakiin dad badani waxay leeyihiin may ahayn maqaamkiisii”.

“Dadkaana dagaal baaba inaga dhaxeeya sidaad ogtihiin, dagaalkaasi oo ah mid dhaqaale iyo mid siyaasadeedba, sidaa daraadeed waxay ahayd inaan sawirkaasi lagelin”.

Waxayna intaasi kusii dartay “Khaasatana ragga sawirka lala galay waa ragii albaab-walba in laga soo xidho Somaliland doonayay”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com