Loolan cusub oo ka dhex qarxay dowlada Itoobiya iyo Somaliland (Warbixin)

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Biixi ayaa mudooyinkii u dambeeyay ku howlaneyd sidii ay magaalada Wajaale oo ah marin ganacsiyeed muhiima uga hir-gelin laheyd goobo waaweyn oo ay kula loolameyso dhanka kale ee Wajaalada Itoobiya.

Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland iyo Maayirka degmada Gabiley oo shalay kormeer ku tagey magaalo Ganacsiyeedka weyn ee Wajaale, ayaa shaaciyey inay magaaladaasi ka hir-gelinayaan Baan iyo xarumo kale oo muhiima, isla markaana ay kula tartamayan daanta kale ee isla Wajaale ee tirsan dowladda Itoobiya.

Guddoomiyaha Baanka Dhexe oo ugu horeyntii la hadley warbaahinta ayaa waxa uu yiri “Waxaan soo maray dhinaca Itoobiya ee Magaalada Wajaale waxaana ka furan afar iyo toban Baan, markaa fili maayo in dhinacan Somaliland-na ay ka furan yihiin Baanan kale ee waxaan u mallaynayaa inay ka furan yihiin laba Baan oo kala ah Dahabshiil iyo Daarasalaam”.

“Markaa shaqada ay qabanayaan labadaasi, Baanankaasi Itoobiyaanka ahi oo aad arkeyseen sida ay u camirnaayeen, taa mid la mid ah ayaanu ku talo jirnaa in aanu xageenana ka furno oo waanu sameynay nashqadii ee waxa inoo hadhay farsamadii oo aynu ka wada hadalnay oo marka ay inoo dhammaatana waynu billaabi doonaa”.

Maxamed Amiin Cumar Cabdi, Maayirka degmada Gabiley oo isaguna warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu yiri “Madaxda Baanka dhexe ee Somaliland aad ayaanu u soo dhaweynaynaa socdaalka ay ku yimaadeen gobolkan ee ugu kuur-galayaan xaaladda Baananka iyo xaaladda Dhaqaale iyo hawlaha ay qaranka u hayaan siday uga socdaan gobolka Gabiley”.

“Wajaale waa Magaalo ganacsiyeedka ugu weyn ee Somaliland, markaa baahi weyn ayey u qabtay in loo sameeyo Baan oo uu qaranku ku yeesho oo waanu kaaga mahad celinaynaa guddoomiye”.

Somaliland ayaa u muuqata in talaabadan ay rabto inay kula loolanto magaalo ganacsiyeedka weyn ee Wajaale dowladda Itoobiya oo iyadu dhankeeda kale ay ka muuqdan kobac iyo horumar dhaqaale oo sareeya.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com