Kiiska Ca’isha Ilyaas oo waji kale yeeshay iyo nin si rasmi ah u qirtay inuu kufsaday

Garowe (Caasimada Online) – Maxkamadda sare ee Puntland ayaa shalay u fariisatay dhageysiga  kiiska la xiriira kufsigii iyo dilkii loo geystay Caa’isha Ilyaas Aadan, hase ahaatee arrintii ayaa waji kale yeelatay markii uu maxkamadda horteeda nin ka qirtay inuu kufsigaas geystay.

Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame ayaa Maxkamadda sare ee Puntland ka hor qirtay in uu ka qeyb qaatay kufsiga Caasho, hal marna uu “u galmooday”.

Sidoo kale wuxuu sheegay in falkaas ay kula jireen nin kale, oo aan wali gacanta lagu soo dhigin iyo mid maxkamadda lala geeyay.

Maxamed Xareed, oo ah xeer ilaaliye ku-xigeenka guud ee Puntland oo la hadlay  BBC-da ayaa sheegay in qirashada Cabdifataax ay isbaddal ku keentay kiiska Caa’isha Ilyaas Aadan.

“Maanta waxaa kiiska kusoo kordhay in Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame, oo ahaa xukumanaha koowaad uu qiraal ku noqday inuu Caasha kufsaday una tagay hal mar. Horay waa loo sameeyay baaritaanno badan laakiin qofka bani’aadanka ah qalbigiisa waxa ku jira gacanta loogama soo saari haro, gacantana intaan afkiisa galino kama soo saari karno waxa ku jira, labadii maxkamadood ee hore wuu inkiray falka, tanna qiraal buu ku ahaa”, ayuu yiri Maxamed Xareed.

Eedeysanaha saddexaad oo isna maxkaadda la hor geeyay ayaa sheegay inuusan wax lug ah ku lahayn falkii lagu kufsaday, laguna dilay Caa’isha.

Kiiska isugu jira falka Kufsiga iyo dilka ah ee loo geystay Alle ha u naxariistee Caa’isha Ilyaas Aadan ayaa soo jitamayay ku dhawaad 6 bilood, iyadoo dhageysigii maxkamadda sare ee uu ahaa kii ugu horreeyay ee noociisa ah.

Caa’isha Ilyaas Aadan oo ahayd 12 jir ayaa falka kufsiga iyo dilka ah loogu geystay magaalada Gaalkacyo.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com