Xog: Saadaq John oo xiray afar taliye oo baabuur ka soo daayey baro kontorol

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha qaybta gobalka Banaadir ee booliiska Soomaaliya Saadaq Cumar Xasan “Saadaq John” ayaa habeen hore xiray 4 taliye oo ka tirsan booliiska Soomaaliya iyo ciidankii la shaqeynayay, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Taliyaasha la xiray ayaa madax ka ahaa 4 kontarool oo ku yaala magaalada Muqdisho, islamarkaana ka tirsan aagga lama soo dhaafaanka ah ee Muqdisho. Sidoo kale waxaa la xiray ciidankii halkaasi kula sugnaa.

Taliyaasha la xiray waxay kala joogeen isgoysyada Sanca, Jardiinka, KPP, iyo kontarool kale oo katirsan degmada Wadajir ee gobalka Banaadir, waxaana loo heestaa gaadiid ay soo daayeen,  kuwaas oo ay lahaayeen mas’uuliyiin katirsan dowladda federaalka Soomaaliya qaarkoodna ay soo damiinteen.

Waxaa jira amar ah in aan lasoo dayn karin wax gaadiid ah, ciddii doonta ha wadatee, si loo xaqiijiyo amniga iyo inaan la ogolaan in xubno la tuhunsan yahay ay kusoo moodaan magacyada dad ka shaqeeya dowladda, taasi oo taliyayaasha la xiray ay fulin waayeen.

Askari ka tirsan ciidamada booliiska Soomaaliya islamarkaana ku jira dadka la soo xiray oo la geeyay xarunta qaybta ee gobalka Banaadir ayaa Caasimada Online u sheegay “aniga iyo talayageyga waan xiranay waxaana noola heestaa, 7 gaari oo aroos waday islamarkaana uu wakiishay guddoomiyaha degmada Shibis, waxaana ka qornay ID CARDS, magacyada darAwalada, iyo taargada gaariga laakiin Saadaq John waa naga diiday sidaas waana nala xiray” ayuu yiri askariga aan la hadalnay.

Inkastoo ay magaalada Muqdisho wajaheyso go’doon iyo caburin tii ugu adkeyd ayaa hadane dad badan waxay aaminsan yihiin in magaalada ka soo haagaageyso xaaladeeda amni dhowrkii bil ee ugu dambeysay. Waxaa yaraaday dilalkii magaalada iyo qaraxyadii weerarada tooska ahaa ee ka dhici jiray Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com