SUDAN oo ogolaatay in Al-Bashiir loo gacan geliyo maxkamadda ICC

Khartoum (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta dalka Sudan ayaa ogolaaday in dadka ay dooneyso Maxkamadda Dambiyada Dagaalka (ICC) loo gacan geliyo.

Go’aankan ayaa lagu gaaray wada-hadallo nabadeed oo u dhaxeeya dowladda Sudan iyo mucaaradka gobolka Darfur.

Go’aankan ayaa dhabbaha u xaaraya in madaxweynihii hore ee dalkaas Cumar xasan Al-Bashiir loo dhiibo maxkamadda Hague, si uu u wajaho eedeymaha loo haysto.

Al-Bahsiir ayaa waxaa lagu eedeeyey xasuuq iyo dambiyo dagaal oo ka dhacay Darfur, markii dagaalka uu halkaas ka qarxay 2003, halkaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 300,000 oo qof.

“Caddaalad lama heli karo, haddii aan la dhayin dhaawcayada,” waxaa sidaas yiri afhayeen u hadlay dowladda.

“Waxaan isku raacnahay in qof kasta oo laga soo saaray waaran lagu soo xirayo, la horgeeyo maxkamadda ICC. Taasi si cad ayaan u sheegayaa,” ayuu yiri Mohammed Mohammed Hassan Eltaish.

Al-Bashiir ayaa waxaa xukunka laga tuuray bishii April ee sanadkii tegay.

Waxa uu awoodda kula wareegay afgambi militari oo dhacay 1989-kii, waxaana uu dalka maamulayey 30 sano.

Dacwad-oogayaasha maxkamadda Hague ayaa dalbaday in maxkamad uu hor-yimaado, si loogu qaado dacwadaha eedaha la xiriira dilal ka dhacay Darfur.

QM waxay sheegtay in 2.5 milyan oo qof ay ku barakaceen dagaalki Darfur.

Al-Bahsiir ayaa waxaa December tii tegtay lagu xukumay laba sano oo xabsi ah, kadib musuq-maasuq lagu helay.