Farmaajo iyo Muuse Biixi oo ku kulmay Addis-Ababa

Addis Ababa (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in galabta ay magaalada Addis-Ababa ay ku kulmeen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Kulankan ayaa waxaa soo qaban-qaabiyey ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, waxaana uu ka dhacay xafiiskiisa.

Kulankan ayaa waxaa uu ahaa mid u gaar ah labada madaxweyne, mana jirin cid ka tirsan wafdigooda oo ku wehlisay, sida ay wararka sheegayaan.

Kulanka ayaa socda ku dhowaad saacad, mana cadda illaa iyo hadda waxyaabaha ay labada mas’uul uga wada hadleen, inkasta oo ay u badan tahay inaan looga hadlin qodobo muhiim ah.

Waa markii ugu horraysay ee ay kulmaan Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi, iyadoo dhowr jeer ay wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland ay dib u dhaceen.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa aad ugu dhowaa dowladda Itoobiya sanadihii dhowaa, halka Somaliland ay sidoo kale xiriir wanaagsan la leedahay Itoobiya.