Suldaan Maxamed: Hal mid ayaan kaga adkaan karnaa dagaalka Farmaajo nagu hayo

Hargeysa (Caasimada Online) ― Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland, Suldaan Maxamed Cabdiqadir ayaa ka hadlay safarkii Madaxweyne Biixi uu dhawaan ku tagay dalka Gini iyo dadaalada Somalilanad ay ku rabto in la aqoonsado.

Suldaan Maxamed Cabdiqadir ayaa sheegay in Dowladda federaalka Somaliya ay dagaal badheedh ah ku soo qaaday Somaliland, isagoona ka dhawaajiyey talaabo uu sheegay inay mudantahay in Xukuumada Biixi ay qaado.

Suldaanka ayaa wax aan suurto-gal aheyn ku tilmaamay in Farmaajo oo lagu ilaaliyo Muqdisho uu doonayo inuu sheegto Somaliland oo halgan loo soo galay, wuxuuna yiri

“Maamulka Xamar wuu soo qaatay, dagaal badheedh ahna wuu inagu soo qaaday, waxaynu se kaga badinaynaa iyadoo uu Muuse Biixi uu safarada uu dalka dibadiisa ugu baxayo uu badiyo si uu Farmaajo u xanaaqo, safarada oo uu Madaxweynuhu badiyo, dalal badan oo uu xidhiidh la yeesho, wufuuda dalalka caalamka uu u diro, waxay inaga saacidaysaa in la ina aqoonsado”.

“Maxaa yeelay safarkii uu Madaxweynuhu dhawaan ku tagay Gini, markii ay Somaliya ka xanaaqday sharaf dhac ayaa u soo hoyday Somaliya halka Somaliland ay sharaf ka heshay, Madaxweyne Muuse Biixi waa Madaxweyne xogogaal ah oo dalkan u soo halgamay, waana Madaxweyne go’aan iyo ku dhac leh, ee waxaa looga baahan yahay inuu aqoonsiga Somaliland gacantiisa ku keeno oo aanu Hargeysa la fadhiyin”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Somaliland halgan dheer baa loo soo galay, markaas ayuu doonaya Farmaajo oo lagu ilaaliyo Muqdisho inuu sheegto, taasina wax suurtagal ah maaha ee Shacabkeena waxaana looga baahay inay mar walba mid ahaadan, oo ay isku duubnadaan”.

Halkaan ka daawo Mursal oo ku kacay Farmaajo iyo Kheyre 

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com