Xog: Xoogag u shaqeeya sida kacaanka oo kale oo Muqdisho ku xoogeestay

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa aad ugu sii xoogeysanaya urur dhalinyaro ah oo uu magacaabay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, bishii Juun sanadkii 2018-kii.

Dhalinyaradaan oo loogu magacdaray Xoogagga Wadaniyiinta oo toos ugu amar qaata Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka shaqeeya degmo kasta oo ku taala Gobalka Banaadir iyagoo ka qabta xilal sara oo muhiim ah.

Xoogagga Wadaniyiinta ayaa degmooyinka waxay ku leeyihiin Kaaliye Sare oo ka awood badan Guddoomiyaha iyo dhamaan xubnaha kale ee degmada waxaana sidoo kale degmooyinka ugu qoran dhalinyaro la shaqeeya Kaaliyaha degmada.

Markii hore waxaa loo aas aasay in ay ka shaqeeyaan Howlaha dariseynta balse hadda waxay toos ula fal galaan wax kasta oo quseeya degmada. Qaarkood ayaa ku dhiiraday in ay awood u yeeshaan talo soo jeedin xil ka qaadis Guddoomiye.

Qaar kamid ah Guddoomiyaasha degmooyinka ayaa Caasimada Online u sheegay in ay dhibaato badan ku qabaan dhalinyaradaan oo faraha la soo galay dhamaan shaqooyinkii Guddoomiyaasha iyo maamulka kale ee degmada waxaana soo laa laabtay isku dhacyada u dhaxeeya maamulka iyo Xoogagga wadaniyiinta.

“Dhibaato aan la qiyaasi karin ayaa lagu qabaa dadkaan waxaana ugu yeernaa La-guddoomiye” ayuu Caasimada Online u sheegay mid kamid ah Guddoomiyaasha degmooyinka Gobalka Banaadir.

Dadka qaar ayaa arintaan ku micneeyay Kacaan cusub oo lagu doonayo in lagu abuurto degmooyinka dad ku xiran Madaxtooyada Soomaaliya kuwaas oo noqda Xoogag u abaabulan difaaca Villa Somalia iyo kooxda ku xiran.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com