SULUB oo amarro cusub dul dhigay taliyeyaasha ciidanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed Firin oo ay wehliyaan taliye ku-xigeennadiisa ayaa kulan muhiim ah la qaatay taliyeyaasha hoggaamada iyo fadhiyada madaxa-bannaan ee ciidanka.

Kulankan oo looga hadlay xoojinta amniga ayaa sidoo kale waxa uu ahaa isbarasho iyo kala warqaadasho, ayada oo taliye Sulub uu warbixin guud oo amniga la xiriirta ka dhageystay taliyeyaasha hoggaamada iyo fadhiyada madaxa-bannaan.

Sidoo kale waxa diirada lagu saaray kulankan qorshaha lagu sugayo amniga Magaalada Muqdisho, oo waayadii dambe ay kusoo badanayeen falalka amni darada ah.

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa intaas kadib waxa uu faray saraakiisha kala duwan in ay kordhiyaan adkeynta amniga caasimadda iyo in ay xoojiyaan iska warqabka dhexdooda.

Taliye Sulub ayaa Sabtidii xilka kala wareegay taliyihii hore ee booliska Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, wuxuuna ballan-qaaday inuu ka shaqeyn doono wax ka qabashada baahiyaha ka jira gudaha hay’ada booliska, si awood badan uu u yeesho booliska Soomaaliyeed.

Taliyaha cusub ayaa waxa laga sugayaa inuu wax ka qabto xaaladda magaalada Muqdisho oo ay hataan Al-Shabaab soo saartay culeys xoogan, xilli uu dagaal culus uga socdo gobolada dalka.

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa dabayaqaadii bishii hore xilka qaadis ku sameeyay taliyihii ciidanka Booliska Soomaaliya, Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar).

Golaha wasiirada ayaa sidoo kale Jeneraal Sulub Axmed Firin u magacaabay taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Sulub ayaa horay u ahaa wasiir ku-xigeenka wasaaradda gaadiidka, wuxuuna ka soo jeeda deegaan ahaan Jubbaland.