Sawirro: DF iyo dowlad-goboleedyada oo shir uu uga furmay Muqdisho + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Mudane Saalax Jaamac ayaa shalay magaalada Muqdisho ka furay shirka Madasha Arrimaha Bani-aadamnimada ee Soomaaliya oo ay ka qeyb-galayaan wasiirada gargaarka heer federaal iyo heer dowlad-goboleed.

Shirkan ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Qaramada Midoobay, gaar ahaan xafiisyada qaabilsan bani-aadamnimada & gargaarka, safiiro iyo madax kale.

Shirkan ayaa waxaa lagu soo bandhigayaa heerka bani-aadamnimo ee Soomaaliya, waxyaabaha laga qabtay xogaha horay looga diiwaan-geliyay abaarta, fatahaadda iyo dhibaatooyinka kale ee sababay in ay barakacaan malaayiin ruux.

Ku-xigeenka Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM arrimaha bani-aadamnimada Adam Abdelmoula ayaa isaguna kusoo bandhigaya shirka xogaha ay ka hayaan heerka bani-aadamnimo ee Soomaaliya.

Sidoo kale safiirada kala metalaya waddamada kala duwan ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ayaa qudhooda lagu wadaa in ay ku daraan macluumaadka ay ka hayaan saameynta taban ee laga dhaxlay dhibaatooyinka bani-aadamnimo.

QM ayaa dhawaan soo gudbisay warbixin ay uga hadleyso dhibaatooyinka dhanka bani-aadamnimo ee Soomaaliya, waxay sheegtay in 7.8 milyan oo ruux ay u baahan yihiin caawinaad.

2.2 Milyan oo carruur ah ayay sidoo kale sheegtay QM inay la ildaran yihiin macluul ka dhalatay abaarta.