Soomaaliya oo 32 sano kadib lagu soo wareejiyey furihii (code-ka) hagista ee….

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya iyo hay’adda duulimaadka caalamiga ah (IATA) ayaa heshiis cusub ku saxiixday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Heshiiskan cusub ayaa dhigaya in dowladda federaalka ah Soomaaliya ay la wareegto furihii (code-ka) hagista diyaaradaha hawada dalka, kadib in ka badan 32 sano oo gacanteeda uu ka maqnaa.

Hawada Soomaaliya ayaa dhawaan heshay aqoonsi caalami ah oo aad u sareeya tan iyo burburkii dalka, kaasi oo muddo dheer ayey dowladda federaalka Soomaaliya u soo xusul duubeysay.

Heshiiskan ayaa waxaa qalinka ku duugay madaxweyne ku-xigeenka Afrika iyo Bariga dhexe ee hay’adda caalamiga ah ee IATA iyo wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa heshiiskan Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya, Ururka diyaaradaha Soomaaliya iyo Midowga wakiilada duulimaadyada dalxiiska Soomaaliya ee SATTA.

Fardowsa Cismaan Cigaal, wasiirada gaadiidka iyo duulista hawada oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in dib loo soo celin doono ka qeyb-galkii IATA ee Soomaaliya.

“Waxaan halkan heshiis ku galnay hay’adda duulista diyaaradaha qaabilsan adduunka ee IATA. Heshiiskaas oo ah in code-kii ay Soomaaliya laheyd ee travel agency iyo diyaaradaha lasoo celiyo,” ayay tiri wasiirad Fardowza.

Waxay hadalkeeda sii raacisay “Waxaa rajeynayna in heshiiskan uu noqdo mid mira-dhal ah oo Soomaali wax u tara.”

Guddoomiye ku-xigeenka ururka diyaaradaha Soomaaliyeed oo shirkan lagu saxiixay heshiiska ka qeyb-galay ayaa waxa uu sheegay in heshiiskan uu horumar wanaagsan ka sameynayo dalka.

“Faa’iidada uu leeyahay waxa isku xirmaya diyaaradaha Soomaaliyeed iyo caalamka intiisa kale inay iskaga gooshaan ayaa fududaaneysa. Waxa fududaaneysa in travel agnecy ay jari karaan tikidhada caalamka oo dhan, marka waa horumar weyn oo usoo hooyatay umadda Soomaaliyeed.”

Si kastaba, dhawaan unbay aheyd markii ay dowladda federaalka ay sheegtay in qiimeynta isku laheynta duulimaadyada caalamka ay Soomaaliya ku biirtay wadamada ugu sareeya, halka markii hore ay ka joogtay heerka ugu hooseeya.