Suuqa GAALKACYO oo maalintii saddexaad xiran iyo sababta ka dambeysa

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maalintii saddexaad uu xiran yahay suuqa ugu weyn gobolkaasi oo ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Arrintaan ayaa timid, kadib markii ganasatada magaaladaasi ay ka biyo diideen lacago canshuuraad ah oo ay ku soo rogtay wasaaradda maaliyadda ee Puntland.

Sawirro laga soo qaaday suuqa ayaa la arkayaa dhammaan xarumihii ganacsiyada oo ay albaabada iskugu laaban yihiin.

Qaar ka mid ah ganasatada ayaa sidoo kale tilmaamay inay ka soo horjeedaan canshuurta iibka, taas oo markii hore laga qaadi jiray kastamyada oo kaliya.

Sidoo kale ganacsatada ayaa ku doodaya in aysan dhiibi karin laba canshuur, waxayna doorbideen inay sameeyaan shaqo joojin inta cabashadooda wax laga qabanayo.

Illaa iyo hadda wax hadal kama soo bixin Puntland, gaar ahaan wasaaradda maaliyadda maamulkaasi oo ku aadan cabashada ganacsatadaasi.

Xirnaasha suuqaan oo ay dad ku xirnaayeen ayaa saameyn ku yeeshay dadka shacabka ah ee ku dhaqan gudaha magaalada Gaalkacyo iyo deegaanada ku xeeran ee gobolka Mudug.