Sheekh Shariif, Xasan iyo Cosoble oo si cajiib ah uga hadlay ‘safarka’ Farmaajo ee magaalada Hargeysa

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed iyo siyaasiyiin kale oo ay ku wada mideysanyihiin Madasha Xisbiyada Qaran oo maanta warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa si guud uga hadlay arrimaha siyaasadda dalka.

Ugu horeyn Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhaliilay sida ay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo u wajaheyso wadahadalada iyo soo xera gelinta walaalaha gobollada waqooyi ee Somaliland.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in khilaafka ka dhaxeeya gobollada koonfurta iyo waqooyiga Soomaaliya oo soo taagnaa muddo 30-sano ah aysan maanta suurta gal aheyn in Madaxweyne Farmaajo oo saaran diyaarad uu wato Abiy Axmed uu soo xaliyo tabashada Somaliland.

“Somaliland arrinteedu waxay soo taagneed 30-sano, dadkii wax soo kala gaareen inta is xali waayeen, anigoo nin kale diyaaradiisa saaran ayaan tegaa oo soo xalinaa xaaja suurta gelee maaha, taasna cidda madaxweynaha kula talisay garan mayo, laakiin la-taliyaasha madaxweynaha ayeyba maanta afkaartoodu banaanka taal oo leh, khaa’iniin waayee dadkey kala gooyeen, in la ciqaabo waaye, iyo mid yiraa wixii dadkaas ku dhacay sax bey ahaayeen, maanta dadka madaxweynaha dhinacyada ka fadhiya oo la taliya waa kuwaas” ayuu yiri Madaxweynihii talada ku wareejiyey Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale Madaxweynihii dowladdi ku meel gaarka Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in marka hore ay habooneed in Somaliland lagala hadlo tabashadooda iyo halka loo socdo mustaqbalka, balse arrinta is weydiinta mudan ay tahay waxa dowladaha deriska loo dhex geliyey arintaan.

Sheekh Shariif ayaa su’aal ka keenay waxa Madaxweyne Farmaajo uu ka aaminsan yahay qadiyaddan “Ma waxa uu aaminsan yahay dowladdi hore in ay ku saxneyd arrinta gobollada waqooyi oo ay Qaranka isku celineysay? Mise waxa uu aaminsan yahay in khalad dhacay? Mowqifkiisa hanoo cadeeyo” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed hoggaamiyaha madasha xisbiyada qaran.

Dhinaca kale Shariif Sheekh Axmed ayaa arrinta is-dhex galka Geeska Afrika ku dhaliilay hal arin, taas oo ah in dalka gudihiisa uu hadda kala xiranyahay, oo maamul goboleedyada qaar deegaanadooda aysan tegi karin madaxda hoggaamisa dowladda dhexe.

“Arrinta is-dhexgalka ee dalalka deriska nala ah wey fiicantahay oo dan ayaan ka leenahay iyaguna dan ayey naga leeyihiin, laakiin su’aashu waxay tahay diyaar ma u nahay oo mar xaladdii aan wax kula qabsa laheyn ma joognaa? Hadii aad deriska aad iyadoo reerku kaa daba qeylinaayo ma jirto sabab aad horay ugu sii socoto oo waa inaad guriga xalisaa, balse gurigaaga oo xal u baahan hadaa qof u orodo, waxay kaliftay intaas oo heshiis in lasoo galay hal heshiis oo la haayana uusan jirin” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh.

Dhankiisa Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble oo ka mid ah Madaxsha Xisbiyada Qaran ayaa sheegay in xalay markii loo sheegay in madaxweyne Farmaajo uu ka hadli doono xafladdii lagu soo xirayey kalfadhiga golayaasha baarlamaanka dalka ay ka sugayeen in uu faahfaahiyo waxa uu ka damacsanyahay iyo mowqif kiisa ku aadan sidii loo soo xera geli lahaa Somaliland, balse uu is ilowsiiyey oo ay nasiib saro aheyd in uusan soo hadal qaadin arintaas masiirigaa.

Sidoo kale Xildhibaan Cosoble waxa uu soo dhaweeyey sharciga doorashooyinka qaranka ee uu xalay saxiixay madaxweyne Farmaajo, balse waxa uu  nasiib darro ku tilmaamay in xukuumadda uu hoggaamiyo ay u muuqato mid aan ogoleyn in ay u hoggaansanto sharcigaas.

Hoos ka Daawo khudbadaha mas’uuliyiintaas