27.1 C
Mogadishu
Friday, November 28, 2025

Swan oo dalbaday in si deg deg ah Soomaaliya looga joojiyo…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo uu billaabanayo ololaha sanadlaha ah ee 16ka maalmood ee u Hawlgelidda la dagaallanka Xadgudubka ku Salaysan Jinsiga, ayaa Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay ku baaqeysaa in la qaado tallaabooyin mideysan oo wax looga qabanayo xaaladaha sii kordhaya ee xadgudubka iyo kadeedka ka dhaca khadka internetka. 

“In la abuuro jawi casriyaysan/danabaysan oo bed-qaba isla markaana tixgelinaya haweenka iyo gabdhaha waa arrin u baahan iskaashi dhow oo dhex mara dowladda, shirkadaha tiknoolojiyadda, deeq-bixiyeyaasha, iyo bulshada rayidka ah,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

“Qaramada Midoobay waxay boorinaysaa in la ansixiyo sharciyo lagu daboolayo daldaloolada xooggan ee ka dhex jira hab-dhismeedka sharciyadeed, kaas oo hadda aan lahayn qodobo cad oo wax ka qabanaya dambiyada lagu geysto internetka iyo kuwa jinsiga ku salaysan. Waa lagama maarmaan in sharciyada la is-waafajiyo si ay uga turjumaan xaqiiqooyinka aaladaha danabaysan [dhijitaalka ah], iyo in la xoojiyo hay’adaha garsoorka iyo sharci-fulinta si ay wax uga qabtaan xadgudubyada ka dhex-daca internetka,” ayuu raaciyay Swan. 

Halkudhigga ololaha sanadkan oo ah – “U-Midooba Soo-afjaridda Xadgudubyada Danabaysan ee Ka-dhanka ah Dhamaan Haweenka iyo Gabdhaha” – ayaa iftiiminayaa kororka xadgudubka ka-dhaca internetka iyo baahida degdegga ah ee loo qabo in la isu yimaado si loo abuuro bey’ad [habab] dhijitaal ah oo qof walba ku ammaan helayo, gaar ahaan haweenka iyo gabdhaha. 

Inta lagu guda jiro ololaha 16-ka Maalmood, QM waxa ay ku garab istaagi doontaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah, iyo ururada bulshada rayidka ah in ay muujiyaan baahida loo qabo in la soo afjaro xadgudubyada ku salaysan jinsiga ee danabaysan.

Hawshan waxaa qayb ka noqon doona u-qareemid iyo wacyi-gelin ka dhan ah dhaqamada waxyeelada leh ee loo adeegsado internetka, sare u qaadidda mas’uuliyadda qof ahaaneed ee ka hortagga takri-falka, taageeridda dhibanayaasha, iyo ku-dhiirigelinta dadka inay ka hadlaan xadgudubyada lagu geysto internetka. 

Sanadkan, ololaha 16-ka Maalmood wuxuu qayb ka yahay dadaallada caalamiga ah ee lagu xusayo sannad-guurada 30aad ee kasoo wareegtay Baaqa Beijing iyo Madasha Waxqabadka, iyo sidoo kale sannad-guurada 25aad ee kasoo wareegtay Qaraarka Golaha Amniga ee QM ee tirsigiisu yahay 1325 – kuwaas oo ah labo go’aan oo muhiim ah oo kor u qaaday sinnaanta jinsiga, awoodsiinta haweenka, iyo ka-qaybgalka haweenka ee geeddi-socodka nabadda iyo amniga.

Ololahan sanadlaha ah wuxuu billaabanayaa 25ka Nofeembar, oo ku beegan Maalinta Caalamiga ah ee Ciribtirka Xadgudubka ka dhanka ah Haweenka, wuxuuna socon doonaa ilaa 10ka Diseembar, oo iyaduna ku beegan Maalinta Xuquuqda Aadanaha.

- Advertisement -

Read more

Local News