Sweden oo Falastiin u aqoonsatay dal

Stockholm (Caasimada Online) – Dawladda Sweden ayaa si rasmi ah u aqoonsatay in dalka Falastiin uu yahay dal madaxbanaan.

Talaabadan ayaa timid ka dib markii Ra’iisal Wasaaraha cusub ee dalka Stefan Lofven uu jimcihii ku dhawaaqay in Falastiin ay tahay dal madaxbanaan, dawladiisuna ay ula dhaqmayso sidii waddan xor ah.

Dhowaan waxaa dalka Sweden taladiisa la wareegay xizbiyo isku tagay, oo uu hormuud yahay xizbiga Social Democrat, taasi oo wax weyn ka beddeshay siyaasaddii waddankaas.

Aqoonsigan Sweden waxa horeeyey markii Golaha Guud ee QM uu bishii November ee sanadkii 2012kii Falastiin u aqoonsaday xubin aan buuxin, hase yeeshee kor-jooge ah oo Galaha ka tirsan.

Idaacadda VOA ayaa haddaba aqoonsigan wax ka weydiisey Prof. Axmed Ismaaciil Samtar oo bare ka ah kulliyadda James Wallace ee Jaamacadda Macalester ee gobolka Minnesota>

Halkan hoose ka dhageyso wareysiga.

Caasimada Online
Xafiiska Stockholm
Caasimada@live.com