Dhageyso: Axmed Diiriye oo maamulka gobollada dhexe xog muhiim ah ka…

Muqdisho (Caasimada Online) – Nabadoon Axmed Diiriye Cali ayaa ka warbixiyey halka dhismaha maamulka gobollada Mudug iyo Gal-Gaduud ee bartamaha Soomaaliya uu marayo.

Axmed Diiriye waxa uu shaaca ka qaaday in ay rajo wanaagsan ka qabaan in lagu guuleysto dhowaan dhismaha maamulkaas, aysanna jirin wax hor-istaagi kara.

Wuxuu sheegay in qaban-qaabada shirka maamul u sameynta gobalda Mudug iyo Galgaduud ay ka soconayso magaalada Cadaado, isla markaana dhowaan uu shirka si rasmi ah u furmi doono.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in haddii la helo maamul mideeya shacabka gobaladaasi inay meesha ka bixi doonaan dhibaatooyinka faraha badan ee iminka heysta dadka Mudug iyo Galgaduud deggan.

Dhammaan dadka ka soo jeeda gobalada dhexe ayuu ugu baaqay inayka qeyb qaataan dhismaha maamulkaasi oo uu ku tilmaamay inuu yahay mid dan u ah shacabka ku nool gobaladaasi.

Halkan ka dhageyso:

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com