Sawirro: Amisom oo Barawe ka fulisay toogasho iyo USA oo hoggaamineysay

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah oo kasoo baxaayo duullaanka ay Ciidamada AMISOM iyo kuwa DF Somalia ay kula wareegeen Degmada Baraawe, ayaa sheegaya in Ciidamada is garabsanaayo ay fariisimo dhowr ah ka sameysteen gudaha Degmada.

Warar hordhac ah oo aan halkaasi ka heleyno ayaa sheegaya in duullaankaasi ay hogaaminayaan Saraakiil ka tirsan Militeriga Mareykanka kuwaasi oo ay ishu qabaneysay.

Saraakiisha Mareykanka ee duullaankaasi hor kaceysay ayaa la sheegayaa inay ku socdaan gaadiidka gaashaman ee AMISOM, waxaana la Tilmaamayaa in duullaanka ay ka qeybqaadanayeen diyaarado dagaal oo dul heehaabayay hawada Degmada Baraawe.

Sidoo kale, Ciidamada isgarabsanaaya ayaa la soo sheegayaa in daafaha degmada ay ka sameysteen Afar saldhigyo oo laga koontaroolo dhaqdhaqaaqyada Maleeshiyada, halka bartamaha Magaaladana ay ka sameysteen ilaa lix xarumood.

Waxaa sidoo kale, hakat ku jira isu socodka gaadiidka iyo shacabka, iyadoona la arkaayo Ciidamada DF iyo kuwa AMISOM oo raxan-raxan u dhex socda degmada.

Dhanka kale, warar hoose oo ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM ay gudaha Magaalada ku toogteen Seddex ruux oo ay uga shakiyeen inay damacsanaayen fulinta weerar bambaano.

SAWIRO HORDHAC AH

KENYA

AMISOM1 BwnahsPCUAAr4Sz.jpg medium Bwx1aD9CEAAUkBv.jpg medium

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com