Sawirro: Beesha Murusade oo baaqyo kasoo saartay kullan muhiim ahaa oo…

Waxaa magaaladan Gothenburg kulan iskugu yimid beesha Murusade/Karanle ee ku dhaqan magaalada oo ka qayb qaadanayay farxadda Ciidul Adxa oo ay iskugu hambalyaynayeen iyo sidoo kale sidii ay beeshu uga arrinsan lahayd xaaladaha is rogrogaya ee uu dalku haatan marayo.

Waxaana kulanka la iskula soo qaaday sidii ay beeshu uga qayb qaadan lahayd taageerada la siinayo wixii wax u taraya midnimada iyo sharafta umadda Soomaaliyeed iyo ka shaqaynta nabadda weli ceelka ku jirta iyo sidii looga soo saari lahaa.

Shirka oo ay joogaan qaar ka tirsan odayada, dhallinyarada, haweenka, mashaa’ikhda beesha ee ku nool Gothenburg ayaa lagu gudoonsaday in danta beesha la waafajiyo midda guud ee umadda Soomaaliyeed maadaama aan waxba lagu keeni Karin inay beel waliba meel istaagto oo sidaa dalka lagu baylahiyo.

Waxaa kulanka oo ay soo qaban qaabiyeen Caasha Cadnaan, Cabdi Kariin Unicef, Deeqa Abuukar (Ganeey), Baarliin Cali Xasan Dhegwayn, Cabdul Qaadir (Kaka), Maryan Dilaxoow, Maryan Tolka iyo Bashiir, hadallo waano iyo hoga tusaalayn ah ka jeediyay Macallin Shucayb Xasan Xaaji, Xaaji Xuseen Raage, Sheekh Cabdullaahi Sh. Cumar, Aadan Maxamuud Cali (Canjeex), Xasan Cali Maxamed, Cali Dhako, Cabdi Afrax (Cosoble), Axmed Cabdi Mahdi (Ugaaska).

Waxayna beeshu ku ballantay in loo baaqo qaybaha kale ee ku kala dhaqan dalka iyo dibedda si loo dejin lahaa qorshe horseed ah oo tusaale u noqda beelaha kale kaasoo ah inay beel kasta xaqeeda raadsato iyadoo aan ku xadgudbaynin xuquuqaha beelaha kale iyo danta qaranka Soomaaliyeed taasoo ah arrin haatan ka maqan isle’egta siyaasadda Soomaaliya iyo in la yagleelo qaab gebi ahaanba looga gudbo hannaanka qabyaaladeed ee uu dalku ku dumay ee lagu dabaqay siyaasadda Soomaaliya.

Mur (1)Mur (10)Mur (11)Mur (12)Mur (13)Mur (14)Mur (15)Mur (2)Mur (3)Mur (4)Mur (5)Mur (6)Mur (7)
Mur (9)