Dhageyso: Prof. Samatar oo shaaca ka qaaday xaqiiq niyad jebisay Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Iyadoo ay Soomaaliland si aad ah u doon dooneyso in ay gebi ahaanba ka go’do Soomaali wayn oo ay in badan ku cel celisay in ay ka madax banaan Tahay, ayaa rajadeeda arrintaas ku aadan ay u muuqataa mid aad u tabard arran.

Professor Ahmed Ismail Samaar oo Wareysi siinayay Idaacada VOA-da laanta Afka Soomaliga uu si cad u sheegay in Somaliland aysan ku taagneyn waddo ay ku hesho aqoonsi.

Samatar, waxa uu sheegay in marka maamuul uu raadinay aqoonsi caalami ah, looga baahan yahay inuu diyaaro dood wanaagsan, oo uu dalalka caalamka ugu sheego sabab lagu aqoonsado, taasi oo aan ka muuqan Somalilaand.

Axmed Ismaaciil Samatar, oo taageersan siyaasadda Somaliland, ayaa sheegay inuusan u hadeyn siyaasi ahaan, balse uu u hadlayo aqoonyahan ahaan, sidaa darteedna ay xaqiiqda tahay in Somaliland aysan ku taagneyn waddo lagu aqoonsado.

Halkan ka dhageyso Samatar

W/D Asad Abukar Ali (Asad Dhayow)

Mogadishu-Somalia

Email asaddhayow@gmail.com

SKYPE Asad-dhayow