Taabid Cabdi oo farriin culus u diray DF iyo JUBALAND

Muqdisho (Caasimada Online) – Duqii hore ee magaalada Muqdisho, Taabid Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay dagaalkii xooganaa ee ka dhacay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, kaas oo u dhexeeyey ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa wasiir Janan.

Taabid ayaa marka hore cambaareeyey dagaalkaasi oo geystay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Sidoo kale wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay in lagu kor-dagaalamo dad shacab ah oo aan waxba galabsan, lana barakiciyo.

Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladda dhexe iyo Jubbaland inay u taraan shacabka, islaamarkaana aysan uga sii darin xaaladda Gedo.

“Waxaan aad u cambaareynayaa dagaalka Beledxaawo, waxaana ku baaqayaa in shacabka loo turo, dhib kale uma uusan harin. Dhanka kale, waa in DG Jubbaland iyo Dowladda Federaalka ay xaaladda cakiran uga sii darin. Wax yaabaha la isku maan-dhaafsan yahayna miiska wadahadalka lagu maareeyo oo dagaal marnaba uunan xal aheyn. Wadahadal waa lama huraan,” ayuu yiri  siyaasiga caanka ah ee Taabid Cabdi.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo maanta xaaladda Beledxaawo ay dagan tahay, kadib dagaallo qaatay saacado badan oo ka dhacay gudaha magaaladaasi.