Sababta ay Gedo xudunta ugu noqotay khilaafka dalka

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland waxaa u dhexeeya arrimo sababay in kholaafka doorashada uu sii xoogeysto, waxaana ka mid ah arrinta gobolka Gedo iyo guddiga doorashada.

Bilowgii bishii September waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay kulamo la xiriiray isla arrintaas ka dib ciidamo in muddo ah isku hor fadhiyay magaalada Beledxaawo oo dowladda ay geysay ciidamo.

Kulamadii madaxda maamul-goboleedyada iyo madaxweyne Farmaajo ayey arrintaas hareysay, waxayna ku dhowaatay in ay caqabad ku noqoto heshiis laga gaaro sidii doorasho dalka ay uga dhici lahayd. Ujeedada waxay tahay sidii ay mowqif mideysan uga gaadhi lahaayeen arrimaha doorashada ee uu muranka xooggan ka taagan yahay. Laakiin arrinta Gedo ayaa hareysay shirarkii Muqdisho.

Hadda, markale ayey Gedo xudun u noqotay khilaafka la xiriira arrimaha doorashada Soomaaliya, Ka dib markii madaxweynaha Jubbaland uu sheegay in “ay doonayaan in gobolkaas lagu soo celiyo gacanta maamulkiisa”

“Annaga ayaa xaq u leh inaan doorashada qabanno, dowladda federaalka ahna waxa ay xaq u leedahay waxay ku qoran yihiin warqadaha aan soo saarnay, meesha aan ku qaban karno ayeyna ku qabsoomi doontaa, inta ka horreysana waxaan filayaa in deegaannada ay gacanta maamulka dib ugu soo noqon doonaan,” ayuu yiri madaxweyne Axmed Madoobe.

Balse, dowladda federaalk Soomaaliya ayaa u muuqata in arrintaas aysan akhbalin, waxayna ku adkeysaneysaa in ciidamada Dowladda aanan laga saareyn gonbolka, taas oo ah mid uu Axmed Madoobe dalbaday.

Bishii August, waxaa magaalada Dhuusamareeb heshiis ugu gaadhay Madaxweynaha federaalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda saddexda maamul ee kala ah Gal-mudug, Hir-shabeelle, Koonfur-Galbeed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Axmed Madoobe iyo Siciid Cabdullaahi Deni oo kulankaas ka maqnaa waxay dhaliilsanaayeen sidii ay wax u socdeen iyo arrimo la xiriiray maamulka Gedo.

Labadaas Hoggaamiye ee Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa kullankii dambe ee Muqdisho ka qeybgalay, waxayna qeyb ka ahaayeen heshiiskii ku saabsanaa in doorasho dadban la qabto iyo sida loo qabanayo.

Hadda, mid ka mid ah qodobbada ugu waaweyn ee saldhigga u ah ismaan-dhaafka hadheeyay qabashada doorashada uu wakhtigeeda gabaabsiga yahay waxaa cidda maamuleysa doorashada Gobolka Gedo iyo guddiga la isku maandhaafay ee doorashada ee heer Federaal.

Gedo

Gobolka Gedo ayaa u muuqda inuu xudun u noqday khilaafka u dhaxeeya maamul goboleedka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta Jubbaland waxay ku andacoonayaan in shan degmo oo ka mid ah gobolkaas ay dowlada dhexe iyadu maamusho, ayna mas’uuliyadda ciidanka ka howlgala halkaas u dhiibtay taliyeyaal iyada ka amar qaata.

Xalay ayuu dagaal ku dhexmaray ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Jubaland dagaal culus oo sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sidoo kale, horay ayey ugu dagaallameen magaalada ciidan ay dowladda federaalka halkaasi geysay iyo ciidanka Jubbaland, waxayna ka mid tahay goobaha ay Jubaland dalbanayso in ciidanka la geeyay laga saaro.

Degmooyinka Gobolka Gedo – marka laga reebo degmada Ceelwaaq – dhamaan inta kale waxay hadda hoostagaan Dowlada Federaalka, waxaana muuqata in arrinytani ay noqotay mid ay labada dhinacba ay ku gorgortamaan.

Arrinta kale ee iyana xusidda mudan waxay ah in maamulidda gobolka Gedo ay saamayn ku yeelatay doorashada soo socota iyo meelaha kuraasta qaar laga soo dooran doono.

Labada dhinac ee kala ah Jubbaland iyo Dowladda Federaalka waxa ay u arkaan in gobolkaasi uu miisaan siyaasadeed leeyahay, marka laga hadlo kuraasta baarlamaanka ee gobolkaasi ka soo baxaysa.

“Hannaanka doorasho ee ay ku heshiiyeen madaxda heer federaal iyo heer maamul goboleed, Axmed wuxuu ka ahaa xubin, asagoo runtii matalaadda uu meeshaas ku fadhiyo aysan ku qanacsaneyn inta badan dadka reer Jubbaland haddana wax baa lagu heshiiyay si kastaba ha u adkaadaane waa lasoo dhaweeyay, hadduu ka baxo wixii lagu heshiiyay waa arrin isaga gaar u ah. Gedo Axmed kama hadli karo, isagu gacanta kuma hayo, doorashaduna way ka dhaceysaa Gedo.” Ayuu yiri Cabdiraxmaan, Wasiirka Kuxigeenka Arimaha Gudaha Jubaland oo BBC Somali u warramnay bilowgii September.

Dhanka kale, maamulka hadda gacanta ku haya gobolka Gedo ee Soomaaliya ayaa gaashaanka ku dhuftay hadalka ka soo baxay madaxweynaha Jubaland ee ah inaanay doorasho ka dhici Karin Gedo sababo la xiriira in maamulkii uu u magacaabay aanay tagi karin isla markaana aan wali laga saarin gobolka ciidankii dawladda federaalku geysay.

Hardanka Xildhibaannada kasoo jeeda gobolka Gedo

Waxaa jirta iyana in xildhibaannada qaar ee Gedo ka soo jeeda ee hadda ku jira baarlamaanka ay dhinacooda dadaal ugu jirraan sidii ay u heli lahaayeen taageeradooda siyaasadeed. Kuwaas laftoodu waxay qeyb ka yihiin hardanka hadda taagan.

Jubbaland waxay beesha caalamka u sheegaysaa in Dowlada Federaalka ay faraha la gashay deegaano siyaasad ahaan iyo juqraafi ahaanba Jubbaland hoostaga.

Afyare Cilmi oo arrimaha Soomaaliya ka faallooday ayaa aaminsan in hadda marxaladda la taagan yahay ay mudan tahay oo kaliya inaan waqti kale lasii habsaamin.

“Wada hadallada loo ballansan yahay ee ay Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ay Xamar u joogaan waxay ku saabsan yihiin doorashada 2020, waxayna la xidhiidhaan kuwii ka horreeyey ee ka dhacay Dhuusamarreeb. Waxaa ila quman in hore loo galo oo aan waqti kale la lumin. Haddii ay doodo kale jiraan marka wada-hadalku furmo ayaa miiska la keeni karaa.” Ayuu yidhi.

Balse weli waxaa taagan su’aalo la iska weydiinayo in xitaa haddii dowlada dhexe ay ogolaato inay Baladxaawo ka qaado ciidankeeda, qaabka mar kale la isigu waafiqi karo in maamullo cusub loo sameeyo Gobolka Gedo.

Cabdirashiid Janan

Arrinka ku saabsan Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan ayaa sidoo kale qeyb ka ah hardanka Gedo ka jira.

Cabdirashiid waxuu magaalada Baladxaawo dagaal kula galay ciidanka dowlada, waxuuna horay u ahaa masuulka Jubbaland u qaabilsan siyaasad ahaan Gobolka Gedo oo dhan.

Wararka waxay sheegayaan in dagaalkii xalay illaa saaka dhacayna ay qeyb ka ahaayeen ciidamo isaga taabacsan.

Dagaalkaas ka hor, Janan waxaa mar xabsiga dhigay ciidanka dowladda federaalka, hase yeeshee markii dambe wuxuu ka baxsaday gacanta dowladda.

Muran xoog leh ayaa labada dhinac ku dhex maray xiisadda ka dhalatay Cabdirashiid, oo xukuumadda federaalka ay ku eedeysay inuu geystay tacaddiyo, inkastoo isaga iyo maamulkiisa Jubbaland ay beeniyeen eedeymahaas.

Xigasho: BBC Somali