MUUSE BIIXI oo dalab u gudbiyey dowlada Denmark

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskii ku qaabilay Safiirka dalka Denmark, Amb. Ole Thonke oo booqasho kooban ku yimid magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Kulanka ayaa waxaa lagaga wada-hadlay qodobbo ay kamid ahaayeen arrimaha doorashooyinka Somaliland ee golaha wakiillada iyo deegaanka, taasi oo ay soo jeediyeen inay dalka ka qabsoonto 31/05/2021. Ka dib markii ay cayimeen komishanka doorashooyinka qaranka, kuna raaceen saddexda xisbi qaran loona gudbiyey golaha guurtida Somaliland.

Sidoo kale, waxa kulanka lagu lafo-guray horumarka ay Somaliland ka samaysay dhinaca dimuquraadiyadda iyo arrimaha bulshada, sanduuqa horumarinta Somaliland ee (Somaliland Development Fund) oo ay dawladda Denmark qayb ka tahay dawladaha ku midoobay iyo horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga yar-yar, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Muuse Biixi ayaa safiirka Denmark kala hadlay qadiyada ay ku doodo Somaliland ee ictiraaf raadinta, oo uu ka dalbaday inay kala shaqeeyaan, maadama ay dawladda Denmark ay kamid tahay dalalkii ugu horreeyey ee Somaliland ka furta xafiis ka shaqeeya xiriirka labada dhinac.

Safiirka ayaa balan qaaday inay ka dal ahaan halkii ka sii wadi doonaan dhaqaalihii ay hore uga qayb qaadan jireen arrimaha bulshada iyo horumarka ka socda deegaanada Somaliland.

Ugu danbayntiina waxa uu madaxweynaha Somaliland, dowladda Denmark uga mahad-naqay dedaalka iyo garab istaagga ay Somaliland la bar-bartaagan tahay marwalba, gaar ahaan sanduuqa horumarinta Somaliland ee (SDF) loo soo gaabiyo oo ay dawladda Denmark qayb weyn ku leedahay kaalmada ay midowga yurub isugu geeyeen sanduuqaasi.