Taabid oo warbixin ka soo saaray xuska 14-ka October

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Banaadir, Mudane Taabid Cabdi Maxamed oo si weyn loogu xasuusto kaalintii uu ku lahaa gurmadka qaraxii Zoobe ayaa ka hadlay xuska afar sano guuradii ka soo wareegtay musiibadaasi xanuunka leh.

Taabid Cabdi oo xilligaas ahaa duqa Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in weli xasuuqaas dhacay uu ku yahay mahadho xanuun badan, wuxuuna u duceeyey dadkii ku dhintay.

“Anigu shaqsiyan waxay igu tahay mahadho xanuun badan maadama aan isla goobta maray wax ka yar 10 daqiiqo oo aan arkay nolosha iftiinka laheyd ee goobta ka jirtay qaraxa ka hor iyo markii uu qaraxa dhacay oo aan ka mid ahaa dadkii ugu horeeyay ee goobta tagay iyo sida uu iftiinkii noloshaas mar qura u damey,” ayuu yiri Taabid Cabdi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in weli uu aamisan yahay in la sameeyo baaritaan furan, si loola xisaabtamo mas’uuliyiintii saameeyey dayaca amni ee xilligaas dhacay.

“Waxaan qabay, wilina aaminsanahay in qof kasta oo mas’uuliyaddii amni ee ummadda dayacay maalintii #14October2017 lagu sameeyo baaritaan bulshada u furan (#14OctoberInquiry) muddada ay doonto ha nagu qaadato balse aanan sina loo duugin, si ay ummaddu caddaalad u hesho. Iyadoo tii Rabbina baaqi tahay maalinta aanan waxba qarsoomeyn ee qiyaamaha,” ayuu markale ku yiri warbixinta uu soo saaray Taabid Cabdi

Halkan hoose ka aqriso qoraalka Taabid Cabdi

#14October waa maalin xusuus iyo xusid mudan oo aan marnaba qalbiyadeena ka go’ayn, naguna reebtay murugo aan laga soo kaban karin, iyadoo wili dadka qaarkood aysan nolol iyo geeri midna ku heyn dadkoodii 4 sanno kadib.

Anigu shaqsiyan waxay igu tahay mahadho xanuun badan maadama aan isla goobta maray wax ka yar 10 daqiiqo oo aan arkay nolosha iftiinka laheyd ee goobta ka jirtay qaraxa ka hor iyo markii uu qaraxa dhacay oo aan ka mid ahaa dadkii ugu horeeyay ee goobta tagay iyo sida uu iftiinkii noloshaas mar qura u damey.

Balse ducada, taageerada naf iyo maalka laheyd oo ay dadka Soomaaliyeed isla markiiba inala garab istaageen dal iyo dibedba ayaanan sina lagu hilmaami karin, Rabbi haka wada ajir siiyo.

Sidookale waxaa mahad mudan taageradii caalamka guud ahaan, si gaar Shacabka iyo Dowladda Turkey ?? oo koow ka ahaa gurmadkii lixaadka lahaa.

Naxariistii janno Allaha siiyo dhammaan intii inooga shahiiday qaraxii 14kii October 2017, Allahana u qalbi qaboojiyo idilkood intii ay saameysay musiibadaas.

Waxaa xusid mudan in isla xisaabtan dhab ah iyo caddaaladdii ay xaqa u lahaayeen aysan helin dadkii ku shahiiday qaraxii ka dhacay Zoobe iyo dhibanayaashii kaleba, isla markaana cadowgii argagixiso ee ummadda dhibtaa weyn gaarsiiyay ay wili joogaan.

Waxaa nasiib darro kale ah in 4 sanno kadib uusan jirin qorshe amni oo la taaban karo kaas oo lagu xaqiijin karo badqabka iyo ka hortagga khatarraha ay cadowgaas arxanlaawayaasha ah u maleegayaan shacabkeena.

Waxaan qabay, wilina aaminsanahay in qof kasta oo mas’uuliyaddii amni ee ummadda dayacay maalintii #14October2017 lagu sameeyo baaritaan bulshada u furan (#14OctoberInquiry) muddada ay doonto ha nagu qaadato balse aanan sina loo duugin, si ay ummaddu caddaalad u hesho. Iyadoo tii Rabbina baaqi tahay maalinta aanan waxba qarsoomeyn ee qiyaamaha.

#RabbiTaloKuFilan