DAAWO: Afar sano, kadib xuska qaraxii 14-ka October

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya maanta oo kale sanadkii 2017-kii waxaa isgoyska Zoobe ka dhacay qarax aad u xoogan oo noqday kii ugu dhimashada badnaa weeraradii iyo qaraxyadii ka dhacay guud ahaan Soomaaliya.

Afar sano ayaa haatan ka wareegatay xasuuqaasi oo aan weli ka bixin xasuusta dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan ehellada ay dadkooda ku dhinteen weerarkaasi.

Dhimashada ka dhalatay qaraxaas ayaa gaartay ku dhowaad kun qof, halka ay ku agoontoobeen illaa 1547 carruur ah oo waalidiintooda ay ku dhinteen musiibadaasi.

Sidoo kale waxaa ku hanti beelay ganacsato badan oo dukaamo, hoteelo, maqaayado iyo goobo kale oo ganacsi ku lahaa isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Qaraxii Zoobe oo sanad, kadib dadkii ku dhintay ay taallo u dhistay dowladda, taas oo laga taagay bartamaha isgoyska ayaa waxaa dhacdadaasi maskaxdooda raad iyo saameyn xun ku reebtay malaayin qof oo Soomaali oo illaa hadda uusan xasuustooda ka go’in qaraxaasi.

Ma jirto cid sheegatay inay ka dambeysay weerarkaasi baahalnimada ahaa oo loo adeegsay gaari xamuul ah oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa, hase’yeeshee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku eedeysay kooxda Al-Shabaab oo weeraro ka fulisa gudaha dalka.

Dhinaca kale Qaramada Midoobay ayaa war kasoo saartay xuska 14-ka October oo maanta ku beegan, waxaana xafiiska QM uu shaaciyey inuu muraga la qeybsano Soomaalida.

“Iyadoo Soomaalidu ay maanta xusayso sanad-guuradii afaraad ee qaraxii Muqdisho ee 14-kii Oktoobar 2017, kaas oo sababay dhibaato iyo burbur aad u badan, ayey bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya xusuusaneysaa dhibbanayaashii iyo kuwii ku dhaawacmay, waxa ayna barbar-istaag u muujineysaa dhammaan Soomaalida,” ayaa lagu yiri.

Halkan hoose ka daawo warbixinta:-