Wararkii ugu dambeeyey ee weerar dhowr jiho looga hayo Tigray-ga oo sii xoogeystay

Mekele (Caasimada Online) – Weerar cir iyo dhul ah oo ciidamada Ethiopia iyo xulufadooda ay ku qaadeen mucaaradka Tigray ayaa xoogeystay, waxaa sidaas sheegay afhayeen u hadlay xooggaga Tigray-ga.

Afhayeenka TPLF Getachew Reda ayaa Reuters u sheegay in militariga Ethiopia iyo xulufadooda Amxaarada ay dhowr jiho kala dagaalamayaan Tigray-ga, kuwaas oo ka mid ah gobollada Amhara iyo Afar ee deriska la ah.

Afhayeen u hadlay militariga Ethiopia kama jawaabin codsi falcelin oo loo diray. Militariga iyo dowladda Ethiopia ayaan weli qirin weerarka cusub, oo TPLF ay sheegtay inuu billowday toddobaadkii tegay, maalmo kadib markii ra’iisul wasaare Abiy Ahmed loo dhaariyey muddo xileed cusub.

“Waa dagaal socda, tirada khaasarahana aad ayey u xoogan tahay,” ayuu yiri Getachew, oo intaas ku daray inuusan bixin karin faah-faahin ku saabsan tirada dhimashada iyo dhaawaca.

Waxa uu sheegay in dagaallada ay ka socdaan magaalada Weldiya ee gobolka Amhara iyo deegaanda Haro iyo Chifra ee gobolka Afar, meel ku dhow xuduudda gobolka Amhara. 

Dagaalka cusub ayaa sare u qaaday cabsida laga qabo inay sii xumaato xaaladda Ethiopia oo ay ku nool yihiin 109 milyan oo qof.

Dhinaca kale, shaqaale gargaar oo la hadlay Reuters ayaa sheegay in dagaal-yahanno Eritrean ah ay weli ku sugan yihiin gudaha Ethiopia, ayna ka qeyb qadaanayaan dagaalka.

Ilo-wareedyo gargaar oo kale oo soo xiganaya goobjoogeyaal ayaa sheegay in ciidamada Eritrea ay Tigray-ga kula dagaalamayaan magaalada Berhale ee gobolka Afar.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa Talaadadii sheegtay inay ka fakareyso cunaqabateyn dhaqaale oo lagu ciqaabayo dhinacyada mas’uulka ka ah rabshadaha Ethiopia.