Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in berri laga bilaabo dadka shacabka ah ay si lacag la’aan ah ku geli karaan Beerta Nabadda oo horay dadka shacabka ah lacago loogu qaadi jiray gelitaanka xaruntaasi loo dalxiis iyo nasasho tago.
Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane ayaa xaqiijiyay xaqiiqda warkaan, wuxuuna sheegay in maamulka gobolka Banaadir ay tixgeliyeen rabitaanka shacabka.
Afhayeenka ayaa sheegay in Beerta Nabadda ay leedaha Dowladda Hoose, balse ay maalgashadeen Ganacsato Soomaaliyeed, maamulka Gobolkana tixgelin gaar ah u hayaan.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Taabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay in beerta Nabadda aysan aheyn goob ganacsi, balse ay tahay beer nabadeed, sidaasi darteedna shacabka gelaya beertaasi laga samsyn lacago.
Waxaa guuldareystay kulamo ganacsatada maalgashiga ku sameysay Beerta Nabadda iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo isku khilaafsanaa lacagta lagta laga qaado dadka gelayo Beerta Nabadda.
Tallaabada uu qaaday guddoomiyaha ayaa timid kadib markii ganacsatada maal-gashada beerta ay diideen inay lacag ka siiyaan maamulka gobolka Banaadir.
Ogeysiis
Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.
Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka. HALKAN CLICK SII
iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

