Taageerayaasha xukuumada oo ku siran Cabdiqaasim

Dad Soomaaliyeed, oo aad u qalbi wannaagsan, balse fahamka dowladnimo uu ku yar yahay, ee mucaaradnimada u arka dhib dowladnimada lagu hayo, ayaa waxay madaxweyne Cabdiqaasim u isticmaalaan qof mucaaradnimada neceb. Dadkaas xitaa taariikhda dhoweyd ayaa faham ahaan ku yar.

May 23, 2008, ciidamo Itoobiyaan ah iyo qaar ka amar qaata madaxweynihii talada hayay ayaa waxay gurigiisa ku weerareen madaxweynihii ka horeeyay Cabdiqaasim Salaad Xasan.

In kastoo oo sii nabad ah xilka ugu wareejiyay madaxweynaha doorashada kaga guuleystay October 10, 2004 shirkii Embaghati, hadda madaxweyne Cabdiqaasim wuxuu Cabdulaahi Yuusuf ku noqday mucaarad aad uga soo horjeeda siyaasaddiisa.

Cabdiqaasim iska daa keliya in uu afka uun wax ka mucaarado, ama sameysto xisbi nabadeed, wuxuu kow la shaqeeyay wasiiradii hubeysnaa Muuse Suudi, Qanyare, Caato oo garab u ahaa Shariif Xasan ee diiday go’aanka Cabdullaahi Yuusuf ee ahaa in Baydhabo ay caasimad noqoto.

Tusaale ahaan, Jan 1, 2006, wasiiradaas, Shariif Xasan iyo Cabdiqaasim waxay ka shaqeeyeen sidii magaalada Muqdisho loogu samayn lahaa maamul bar bar socda kii uu Cabdullaahi Yuusuf magacaabay, waxayna guddoomiye ka dhigteen Maxamed Cumar Tootow. Muuse Suudi oo kow taageeray Tootow doorashadiisa, ayaa haddana markii dambe diiday sheegayna in ninkaas ay qaraabo yihiin Cabdiqaasim, asagana uu daba ka riixayay. Cabdiqaasim wuxuu u hambalyeeyay Guddoomiye Tootow.

Isla sannadkaas oo ay wasiiradii hubeysnaa iyo maxaakiimtii isku dhaceen, Cabdiqaasim wuxuu si furan u taageersnaa maxaakiimta iyo dagaaladii ay maamulkii Cabdullaahi Yuusuf la galeen.

Madaxweyne Cabdiqaasim oo degannaa Muqdisho, wuxuu Qaahira u guuray kaddib markii madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf uu mucaaradnimo darteed u beegsaday. Maalinta gurigiisa la weeraray, wuxuu la hadlay warbaahinta, eedda dusha uga tuuray Cabdullaahi Yuusuf.

Ayaantaan waxaan arkaa ayadoo aad loo isticmaalayo hadal madaxweyne Cabdiqaasim uu ku dhaliilayo mucaaradka asagoo yiri:

“Kuwa mucaaradaya dowladda waa kuwii i mucaaraday anigoo ina adeerkood ah, mucaaradnimo ma wadaan ee waa dowlad diidnimo”.

Sidoo kale waxaan arkaa dad dhahaya madaxweynayaashii hore ee maamulka hadda jira mucaaradaya waxaa wannaagsaneyn in ay madaxweyne waddani Cabdiqaasim ku deydaan, oo weligiisa dowladnimo ma mucaaradin.

Cabdiqaasim wuxuu ahaa mucaarad daran, waana wax caadi ah, dhaliilna kuma leh maxaad mucaarad ugu noqotay dowlad, asagna yuusan dadka ku eedeyn.

Dowladnimadeena sida ay ugu baahan tahay hoggaamiyayaal ku ad adag danaha qaranka, sharciga iyo hufnaanta, ayay ugu baahan tahay mucaarad intaas uga sii adag.

Weliba madaxweyne Cabdiqaasim sanadihii uu mucaaradka ahaa ayuu ka abaabul iyo shaqo badnaa intii uu madaxweyne ahaa!

Cabdullaahi Yuusuf asagoo ah madaxweynaha Puntland ayuu mucaarad daran ku ahaa madaxweyne Cabdiqaasim. Hadal uu jeediyay markii uu madaxweyne Cabdiqaasim xilka ku guuleystay ayaa wuxuu sheegay hadal gaariisan heer shaqsi oo ah inuu da’ ahaan Cabdiqaasim is yareeyo, Cabdiqaasim xaaskiisa in ay isku fiicnaayeen, balse uusan aqoon shaqsi ah u lahayn…. kaddibna ninkaas sidaas mucaaradka u ahaa ayaa noqday madaxweyne!

Farmaajo ha guuleysto, mucaaradka nabad wax ku mucaaradayana ha guuleystaan, dowladnimadana intaas ayaa guul u ah!

W/Q: Xasan Aadam Hoosow 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid