Xasan Sheekh oo shaaciyey arrin walaac abuuri karta oo ku saabsan kiiska badda

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa walaac xooggan ka muujiyey halka uu ku socda kiiska dacwadda badda Soomaaliya ee u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Qoraal uu bartiisa twitter-ka soo dhigay, ayuu Xasan Sheekh walaac uga muujiyey in laga yaabo in sida wax u socdaan ay hoggaamin karto in kiiska badda lagu xaliyo meel ka baxsan maxkamadda cadaaladda ah ee ICJ.

“Maxaa ku dhacay kiiskeenii badda ee maxkamadda ICJ? Dadkeena waxay xaq u leeyihiin sababta iyo sida kiiska dib loogu dhigay? Mise tani waxay billow u tahay heshiis ka baxsan maxkamadda?” ayuu yiri Xasan Sheekh.

“Dowladdeena waa inay banaanka timaadaa oo ay jawaabo ku habboon siisaa shacabka Soomaaliyeed ee jawaabaha u qeylinaya” ayuu yiri Xasan.

Hadalkiisa ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan su’aalaha ku saabsan sababta kiiska dib loogu dhigay, ayada oo Soomaaliya aysan raali ka ahayn, maadaama xeerarka maxkamadda ICJ ay dhigayaan in kiis aysan labada dhinac isku raacin aan dib loo dhigi karin.

Sidoo kale aamusnaanta xukuumadda hadda jirta, oo ku caan baxday inaysan dadka la hadlin, ayaa sii kordhisay walaaca ay dadka qabaan, waxaana hadda jirta tuhun la xiriira in dowladda laga yaabo inay ogolaatay in kiiska dib loo dhigo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com