Taageero loo muujiyey beesha Harti oo ay xiisad kala dhaxeyso xukuumadda

Hargeysa (Caasimada Online) ― Baashe Cali Jaamaca oo ka mida Mas’uuliyiinta Xisbiga Waddani, ayaa waxa uu taageero u muujiyey Beesha Harti oo uu sheegay inay iska dhicin doonaan Xukuumada Muuse Biixi.

Siyaasi Baashe ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay dagaalka kasoo cusboonaday degmada Badhan, isagoona ka dhawaajiyey in xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Biixi ay qalaalase ka wado Somaliland.

Bashe Cali Jaamac oo warbaahinta kula hadlayey gudaha magaaladda Laascaanood, ayaa wuxuu yiri “Maanta dalku meel aad u liidata ayuu marayaa, weerarkii Badhan lagu qaaday wuxuu la mid yahay weerarkii Tukaraq lagu qaaday, Xukuumaddani waxay ujeedo garan mayno balse cadaawad dhibaato xumaan iyo hagardaamo ayey wadaa cadaaladii sinaantii iyo xaqsoorkiina wey ka tag-tay”.

“Odayaasha Madashana waan ku taageersan nahay hadalkooda,dhab ahaana umadda waxna looma qabanayo ee dhibta ha lagu daayo haddii kale Harti uu israaci doonaa oo Xukuumadda Muuse Biixi uu iska celin doonaa,iyadoo Beesha Harti wanaag Sharif Maamus iyo ixtiraan u Hayaan guudo ahaan Shacabka Somaliland”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Bishii khayrka badnayd Bishii ugu fadliga badnayd way dhamaatay ee ALLE khayrkeeda iyo wanaageeda hayna siiyo,waxaana umadda Muslimka iyo umadda Somaliland ugu ducaynayaa wanaag khayrka bishan ALLE haydin siiyo waxaanan ka baryayaa inuu nimcadiisa inoo siyaadiyo”.

Halkan ka daawo wararkii maanta oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com