Taariikhda foosha xun ee Ethiopia iyo beenta ay reer galbeedku u dhoobdhooben (Xog xasaasi)

Taariikhda Foosha Xun ee Qormo Taariikheedkan ka warrameysa waa mid aan Hore ugu baahiyaya Waraabhinta Qorahay Media Akhristayaasha daneyay qoraalkan oo batey dartiis ayaan anna jecleystey inaan meelo badan kusii baahiyo oo shabkaddan ka mid tahay waxaan qoraalkan noqon doona ila 31 qeybood qeybtii koobad iyo akhris wanaagsan.

Aqoonyahanadda reer galbeed oo qarniyaddan danbe tamar iyo taagba helley waxay salka u dhigeen taariikho badan oo been abuur ku dhisan balse ay u eekeysiiyaan kuwo cilimi iyo baadhitaano aysameeyeen ku qotoma.

Sid muuqata taariikhyahanka reer galbeedku waxay rumaysanyihiin inaan umad mudo dheer la la gumeysankarin lana hogaamin karin hadii aan loo sameyn taariikh ku qotonta habka la rabbo inay bulshadaas u fikirto.

Aqoonyahanka reer galbeedka oo ka duulaya qaab fikirka aynu kor kusoo sheegney waxay hab indho la‘aan ku dhisan u dhex qaadeen colaadihii Geeska Afrika ka holcayay walina ka taagan, taariikh aqoonka reer galbeed waxay Geeska Afrika ka galeen hiil taariikheed waayna sameeyeen qoraalo ay si badheedh ah ugu sameyeen damaca xabashida kaas oo ay ugu dhiseen taariikh niyadooda ay ku xoojinayaan.

Hadaba umada Soomaaliyeed oo ku dhaqan dhul ab iyo awoow iyo laga dhaxal ah ayay taariikhyahanada reer galbeedku u eekeysiiyeen dad Geeska Afrika dool ku yimid isla markaasna boobay dhul ay xabashidu lahayd, taariikhyahanadaasi waxay allifeen waxay ugu yeedheen The great waves of Somali expansion.

Sidoo kalena cadowga umada Soomaliyeed oo xabashiyeeda ah waxay u sameyeen taariikh ay si layaab leh u quruxiyeen balse qotodeed beeneed aaney dheereyn cago adagna ku taagneyn, taariikhyahanka reer galbeedka waxay ka faa’iideysteen magac xabash oo af ahaan luuqada carabiga ka soo jeedo macnahiisun yahay isku dhaf ama kala jinsi.

Magacaas waxaa waayadii hore loo aqoon jirey guud ahaanba dadyowga Geeska Afrika wuxuuna magaacasi xabashida u abuurey taariikh boqortooyo oo qurxoon balse muuqaalka xabashigu beeninaayo madaam xabashida aaney ka muuqan inay xadaarad lahayeen wajiyadooda, taarhiikyahanadareer galbeed waxay xabashida dhegta ugu rideen inay xukunkoodu gaadhsiisnaa ERETERIYA ILA BADWEYNTA HINDIYA.

Macnaha dhabtaa ee magaca xabash akhristoow waa magac loo aqoon jirey guud ahaanba dadyowgii Geeska Afrika, aqoon yahanka loo yaqaano Al-Qalqashandii oo ka hadlayaa magaca xabash ayaa yidhi “dadkii waa iska daba imanayay waxay kasoo hayaamayeen bariga dhex Booshima iyo Aqsama ayaa ah kuwii ugu soo horeyey waana kuwii bilaabey magaca xabash Amxaar iyo Tigreena magaca dadkaas ayay ula sinayeen waayadii hore.

Soomaalida, Canfartaiyo Galla xili hore ayay ka baxeen magac xabash sababtuna ma cada balse islaamnimada ayay Soomaalidu fidisey waxaana loo aanaynayaa inay iskaga daayeen magaca xabash oo ay qoomiyadahaas kale uga tageen.”

Akhristoow inteynaan u gudbin xaalkii dhabta ahaa ee boqoradii magac u yaalka ahaa ee ka qowleysan jirey buuraleyda xabashida (Ethiopia) taariikhda been abuurka ah ee ay alifeen aqoonyahankii iyo mustashriqiyiintii reer galbeedku waxaan ku soo xidhaynaa tulaane ifinaya taariikhda aan sal iyo raadkaalayh ee Ethiopianka loo asmeeyay.

Sheeko taariikheedka beenta ah ee la sameeyaya waxaa ugu weyn tan odhanaysa xabashidu waxay kasoo jeeda Nebi Suleyman naxariista alle korkiisa ha ahaate, boqoradii Sabba ee Balqiisa loo yaqaaney ayaa Nebi Suleyman CS u dhashay wiil waxaana wiilkaas loo baxiyay Menelik halkaas ayayna kasoo bilaabmeysa silsilada boqoradda xabashidu ay sheegtaan.

Sheekadaas kore waa mid daliilada taariikheed oo buriya loo helayo tusaale dhow waxaa muujinayaa been nimadeeda horta boqoradda Balqiisa dhulka Yemen ayay ka talineysey waxayna boqortooyadeedu ahayd mid awood badan xilligaasna dhulka xabashida waaba ka jireen nimankii magaca boqorka lahaa ee buuraleyda go’doonka ku ahaa.

Cadaynta ugu dhow ee muujinaysa jiritaankooda xilligaas waxa weeyaan magaca Nejashe oo loo yaqaaney ninkii cashuurta ka qaadi jirey xabashida una gudbin jirey boqortooyada Sabba ee Balqiisa madaxda ka ahayd, magacaas Nejashe goortii dambe xabashidu waxay ka dhigteen magaca ay boqoradoodu iskugu yeedhan.

Hadan u gudubno xaalka dhabtaa ee xabashida waxaa ku muuqaneysa niman magac boqor mooyane aan macno kala lahayn oo ka qowleysan jirey dhulka buuraleyda ah ee hada Amxaaro iyo Tigree hoyga u ah, dhulkaas boqoradaayaa xataa gaajo ku leyneysey mana lahayn awood la tilmaamo.

Taariikhyahanka muslimka ah ee Al-Maqrisi ayaa buugisa Al-Imaam kaga hadley xaalkii dhabta ahaa ee boqoradii xabashida iyo dadkooduba ku sugnayeen, wuxuu Al-Maqrisi ka yidhi “waxaa I warramey qof soo arkey boqorkii xabashida ee Dawod oo cunayaa Hilib qeedhin intuu uuskii iyo calooshi isku cantuugey ayuu calaaliyay markaasuu uuski afkiisa ka dareerey, dadka kale ayaa iyagguna cunayay digaag nool digaaguna waa qeylinayeen”.

Al-Maqrisi markale isago kasii warmayaa xaalka xabashida wuxuu yidhi ”nolosha dadku waa murugsaneyd, waxay ahaayeen kuwo buuraleyda ku dulgaajeysan, guryo hargo lo’’aad ka sameysan ayay deganayeen gurayaha ruuxi aan baranin ma gali karin waayo way urayeen.

Al-Maqrisi oo markale buugisa kusii sheegey awooda boqorka iyo dhulkiisa wuxuu yidhi “ boqorku wuxuu xukumayay dhul buuraley ah oon baaxad weyneyn waxaa yaab lahayd inay jireen boqoro yar yar oo kalena, muddo markey wada joogan boqorada yaryar iyo boqorka weyn way isleyn jireen ka guuleysta ayaana hadba noqon jiray boqorka weyn iyaggo kuwo yaryarna sii jirayeen”.

Wxaaynu qeybtan ku soo xidhaynaaa tuducyo kamid ah gabayga Dhanac ee ay curisay Abwaanad Roda Ibarhim C. Gurey (Afjano) oo si dhab ah u muujinaya sifaadka gumaysiga kuuna sawiraya Ethiopia-da dhabta ah.

Dhuuryada Itoobiyo ninkii dharaq ka doonaaya .
Ama dhuuni nagu raadsanoow dhoohanaad tahaye.
Waligeedba dheef maysan helin ay ku dharagtaaye.
Dhafoor xumada kama guurto iyo dhuubni tag darane.
Dhiishii fakhriga loogu shubay dhalada loo saarye.
Dhandhamana ka heli maysid iyo dharab qoyaankiiye.
Dharigeeda gaajada aday kugu dhardhaarayne.
Lasoco qaybaha dambe oo 2aad

W/Q: Maxamed Cabdi Ibrahim (Ilko Dahable)