24.4 C
Mogadishu
Saturday, July 12, 2025

Tabit oo bilaabay qabashada arjiga iyo guddoomiyayaasha oo aad u walaacsan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Tabit Cabdi Maxamed, ayaa durba bilaabay qorsho uu ku xulanaayo shaqsiyaadka lagu bedeli lahaa Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka ayaa waxaa iminka miiska u saaran inkabadan 24 Musharax oo ku loolameysa xilalka Guddoomiyenimo.

Shaqsiyaadka Tabit u saaran miiska ayaa u badan dhalinyaro qurba joog ah, oo la doonaayo in booska looga saaro dhalinyarada reer Sudan ee la shaqeeyay maamulkii hore.

Warar hoose ayaa sheegaya in Tabit uu bilaabay qabashada arjiga Musharaxiinta u taagan xilalka Guddoomiyayaasha Degmooyinka, waxaana shaqsiyaadka gudbinaaya arjiga u badan dhalinyaro ay horay usoo wada shaqeeyen Tabit.

Dhinaca kale, dowladaha isu bedela maamulka dalka ayaa gabi ahaantooda aaminsan feker urur diimeed lagu kala soocaayo shaqaalaha iyo guud ahaanba Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News