Sana’a (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya dalka Yemen ayaa sheegaya in labo qof oo Soomaali ah ay ku dhinteen waqooyiga dalkaas.
Dadkan ayaa la sheegay in ay qaadeen daadad ka dhashay roob ka da’ay dalkaas labadii cisho ee la soo dhaafay.
Wariye ka tirsan VOA-da ayaa sheegay in labadan qof ay ka mid ahaayeen 15-tahriibayaal Soomaali ah, kuwaasoo doonayay in ay ka dhuuntaan booliska.
Labada qof ayaa geeriyootay oo ah rag, waxaa la sheegay in ay soo adeen magaalada si ay cuno ugu soo gadaan kooxda kale, balse waxaa qaaday daadad xooggan.
Waxaana meydadkooda laga helay buuraha deeganka Xaraf oo ku yaala waqooyiga Yemen, waxaana halkaas kasoo helay dadka deeganka.
Wariyaha ayaa sheegay in dadka deeganka ay soo badbaadiyeen 13-ka kale oo dhow cisho ku jiray meel howd ah.
Waxaana dadkan oo ay ku jiraan dumar loo qaaday Isbitaal maadama ay dhowr cisho ay qadan yihiin
Si kastaba, warbixin ay soo saartay hey’adda QM u qaabilsan qoxootiga ee UNHCR ayaa lagu sheegay in lixdii bilood ee sannadan 75% ay yaraadeen tahriibayaasha Soomaalida, balse wixii ka dambeeyay bishii Ramadaan waxaa soo badatay tahriibayaasha Soomaalida ee gaarta dalka Yemen.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Khaliijka

