Taiwan oo tallaabooyin culus billowday kadib go’aankii ka soo baxay DF Soomaaliya

Taipei (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Taiwan, Lin Chia-lung, ayaa amar ku bixiyay in la bilaabo mashruuc gaar ah oo lagaga hortagayo waxa uu ku tilmaamay “dagaal sharciyeed” oo Shiinuhu si khaldan u fasirayo Qaraarka Qaramada Midoobay ee lambarkiisu yahay 2758, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda.

Arbacadii, Hay’adda Duulista Rayidka ee Soomaaliya ayaa, sida lagu sheegay warbixintaas, tixraacday Qaraarka 2758 iyo taageerada dowladda Soomaaliya ee mabda’a “Hal Shiinaha” marka ay mamnuucday in dadka wata baasaboorrada ama dokumentiyada safarka ee Taiwan ay galaan ama sii maraan gudaha Soomaaliya.

Warbixin uu soo saaray Ururka Caalamiga ah ee Gaadiidka Hawada (IATA) ayaa caddeysay in muwaadiniinta wata baasaboorka Taiwan laga mamnuucay inay galaan ama transit ahaan uga gudbaan Soomaaliya. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Taiwan ayaa si adag uga hortimid go’aankan, waxayna ugu digtay muwaadiniinteeda inaysan u safrin Soomaaliya ama Somaliland illaa dowladda Soomaaliya ay ka laabato tallaabadaas, sida lagu sheegay warbixinta.

Intii lagu guda jiray shir jaraa’id, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha ayaa si buuxda u taageertay go’aanka Soomaaliya ee lagu xayiray baasaboorrada Taiwan, iyadoo sheegtay in arrintani ay caddeyneyso saameynta Shiinaha ee ku jirta go’aankaas.

Taiwan ayaa ku dooday in Beijing ay sanadihii dhowaa si isdaba joog ah u qalloocisay micnaha Qaraarka 2758 si ay u wiiqdo ka-qaybgalka Taiwan ee masraxyada caalamiga ah. Warbixinta ayaa xustay in sanadkii hore, dowladda Koonfur Afrika ay qaraarkaasi u adeegsatey sababta ay u xirtay xafiiskii Taiwan ee Pretoria.

Si kastaba ha ahaatee, Taiwan waxay weli ku adkeysanaysaa mowqifkeeda, iyadoo ay garab taagan yihiin dalal reer galbeed ah. Inkastoo labo waqti oo kala guur ah la siiyay, xafiiska Taiwan ee Pretoria wuxuu weli u shaqeeyaa si caadi ah, sida lagu sheegay warbixinta.

Iyadoo ka falcelinaysa xayiraadda ay Soomaaliya saartay, dowladda Taipei ayaa qorsheyneysa inay kaalmo ka raadiso hay’adaha caalamiga ah ee saaxiibka la ah Taiwan, iyadoo sidoo kalena doonaysa inay ka hortagto dadaallada Shiinaha ee lagu wiiqayo sumcadda caalamiga ah ee jasiiradda, sida uu sheegay sarkaalkaasi.

Intii lagu jiray kulan uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay yeeshay bishii hore, wakiil ka socday Mareykanka ayaa ku eedeeyay Shiinaha inuu si qaldan u adeegsado Qaraarka 2758 si uu u go’doomiyo Taiwan, isla markaana uu u leexiyo siyaasadaha dowladaha kale, taasoo xaddideysa xulashooyinkooda, sida uu hadalka u dhigay sarkaalka wasaaradda. (ANI)