Taiwan oo war cusub kasoo saartay heshiiska Somaliland + Qorshaha China & Somalia

Taipei (Caasimada Online) – Taiwan ayaa maanta markale ka hadashay xiriirka cusub ee Somaliland iyo heshiiskii ay dhawaan kala saxiixdeen ee iskaashiga labada dhinac.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Taiwan (MOFA) ayaa si cad u sheegtay inay sii xoojin doonto xiriirka cusub ee kala dhaxeeya Somaliland, xili ay dowladda China ay si weyn uga soo horjeedo.

Dowladda Beijing ayaa wada dadaalo ay Somaliland uga dhaadhicinayso inaysan ku xad-gudbin madax-banaanideeda, isla markaana ay xiriir la sameynin Taiwan oo aan weli helin aqoonsi buuxa.

Taiwan ayaa sheegtay inaysan waxba u arkeynin qorshaha China iyo Soomaaliya, ee ka dhanka ah heshiiska cusub ee Somaliland oo iyaduna ku dooda inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya.

Af-hayeenka wasaaradda arrimaha dibedda ee dalkaasi, Joanne Ou ( ) ayaa sidoo kale sheegtay in dadaalada Taiwan iyo Somaliland ee lagu xoojinayo iskaashiga laba geesoodka ah ay ku salaysnaan doonaan saaxiibtinimo dheer oo dhex-marta dadka iyo qiyamka guud sida xorriyadda, dimuqraadiyadda, cadaaladda iyo xukunka sharciga.

Waxa kale oo ay sheegtay in Taiwan ay ballaadhin doonto iskaashiga ay la leedahay Somaliland si tartiib tartiib ah dhinacyada caafimaadka bulshada, tamarta, macdanta, waxbarashada iyo beeraha iyadoo la adeegsanayo habka Taiwan, taas oo kor u qaadaysa horumarinta iskaashiga labada dhinacba.

Dowladda Taiwan ayaa iyadu ku cel-celisay in aanay u hogaansanayn cadaadiska Shiinaha, ayna sii wadi doonto inay sii waddo iskaashiga ay la leedahay waddamada isku fikirka ah..