Xog cusub oo laga helayo weerarkii Israel ay ku qaaday warshadda Nukliyeerka Iran

Tehran (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa weerar lagu qaaday warshad nukliyeerka sameysa oo ku taalla Iran. Wargeyska New York Times ayaa qoray in Israel ay ka dambeysay weerarkaas oo bombaano ahaa.

Wargeyska oo xiganaya “ilo-wareed sirdoon oo jooga Bariga Dhexe” ayaa sheegay in Israel ay mas’uul ka ahayd weerarkii lagu qaaday warshadda nuclear-ka ee Natanz khamiistii, arrintaan waxaa sidoo kale waxaa sheegay xubin ka tirsan ilaaladda kacaanka Islaamiga ah ee Iran, oo intaas ku daray in qaraxyo la isticmaalay.

Si kastaba, Israel ma aysan qiran inay weerarka door ku lahayd. Wasiirkeeda difaaca Benny Gantz ayaa wareysi uu Radio siiyay ku sheegay “qof kasta anaga wax walba waa uu nagu tuhmi karaa, lakiin uma malaynayo in taasi sax tahay.”

Dhacdadaan waa tii seddexaad ee nooceeda ah oo todobaadkaan dhacda, waxaana ku jira qarax weyn oo laga soo wariyay meel u dhow saldhigga militariga Parchin oo woqooyi bari kaga beegan Tehran iyo qarax kale oo ka dhacay isbitaal ku yaalla Tehran oo ay ku dhinteen 19 qof.

Israek horay ayey ugu hanjabtay aargoosi kadib arrin markii weerar internet-ka ah uu kaga yimid Iran. Weerarkaas oo fashilmay ayaa lagu qaaday nidaamka biyaha ee Israel, ujeedaduna waxay ahayd in chlorine-ka lagu kordhiyo biyaha aada dhulka deegaanada Yahuudda.

Madaxa hoggaanka amniga internet-ka Israel, Yigal Unna ayaa dhacdadaas ku tilmaamay “bar isbedel u ah taariikhda casriga ah ee dagaalka internet-ka”

Aarsiga Israel waxaa uu dhacay laba todobaad kadib iyadoo werar ku qaaday islamarkaana qastay howlihii deked mashquul badan oo ku taala Iran.

Bishii lasoo dhaafay website ka The Strategist ayaa sheegay in Iran aysan joojin doonin in ay qaado weerro mustaqbalka ah kuwaas oo waxyeeleeya kaabayaasha rayidka ah ee dal kale iyadoo u maraysa weerar internet ka ah, islamarkaana noqon doona mid caqliyeysan oo u dhexeeya Iran iyo Israel.