Xog: Wada-hadalladii DF iyo Somaliland ee Jabuuti oo baaqday iyo sababta

Hargeysa (Caasimada Online) – Wada-hadaladii Soomaaliya iyo Somaliland ee bishan ka furmayay dalka Jabuuti ayaa gebi ahaanba baaqday, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Guddiyada farsamo ee labada dhinac oo ku balansanaa kulamo lagu sii ambo-qaadayo wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland, ayaa gebi ahaanba baaqday, xili loo balansanaa inay dib u furmaan bilowgii todobaadkan.

Guddigaasi ayaa ku balansanaa in kulankooda u horeeyo uu dhaco maalintii Sabtida ee todobaadkan, midaasi oo ku beegneyd 15-maalin kadib maalintii lasoo afmeeray wajigii koowaad ee wada-hadaladii labada dhinac ee kulanka Farmaajo iyo Muuse Biixi.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Kulanka guddigaasi ee wada-hadalada labada dhinac ayaa u baaqday xiisad cusub oo ka dhex qaraxday labada dhinac, midaasi oo daba socoto heshiisyo ay gashay Somaliland, oo ku dooda inay tahay dal madax-banaan.

Xiisada siyaasadeed ee ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Somaliland ayaa gebi ahaanba meesha ka saartay kulankii maalinta Sabtida loo balansanaa, inkasta oo si rasmi ah loo shaacin sababaha baajiyey kulankaasi.

Somaliland iyo Soomaaliya ayaa wax war ah kasoo saarin kulankaasi baaqday oo qeyb ka ahaa sii ambo-qaadka wada-hadalada labada dhinac iyo xiliga dib loogu balamay.