Shirkaddii dhistay xarunta degmada Yaaqshiid oo arrin la yaab leh maanta u xiratay xaruntii degmada + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in maamulka Shirkadda BIMO oo qaadatay qandaraaska dhismaha xarunta degmada Yaaqshiid ay maanta xiratay xaruntii degmada oo dhawaan xarigga laga jaray.

Maamulka Shirkadda oo ay ka maqan tahay lacag dhan 320 kun oo doolar ayaa Ganjaalka banaanka ee degmada ku xiray quful waxayna sheegeen in aysan cidna geli karin ilaa laga siiyo lacagta ka maqan.

Qaar kamid ah shaqaalaha xarunta degmada ayaa sheegay in saakay uu albaabka ay ka laabteen guddoomiyaha iyo ku xigeenadiisa.

Sidoo kale dhamaan shaqaalaha iyo saraakiil ka tirsan kuwa ammaanka ee degmada ayaa ka laabtay albaabka kadib markii laga furi diiday.

Xarunta degmada Yaaqshiid waxaa xarigga laga jaray maalmo ka hor kadib markii Dayactir lagu sameeyay waxaana xarigga ka jaray Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

Arrintaan ayaa noqotay mid aad looga hadal haayo gudaha magaalada Muqdisho saacadihii ugu dambeeyay ee maanta. Sidoo kale arintaan ayaa ceeb iyo fadeexad ah ku dowladda hoose ee Xamar.