Kiiska gabadhii 11 jirka ahayd ee la gowracay oo lugaha la galay habaryarteyd iyo ciidamada oo soo qabtay

Godinlabe (Caasimada Online) – Ciidamada booliska Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay oo xiray haweeney ku eedeysan inay dishay gabar 11-sano jir aheyd oo maalin ka hor meydkeeda oo gowracan laga helay duleedka deegaanka Godinlabe ee gobolka Galgaduud.

Fartuun Caddaan Sheekh Cali waa hooyada dhashay gabadhii la gowracay maalmo ka hor, waxayna shaacisay in gabadheedii ay dishay haweeney iyada la dhalatay, gabadha dhimatayna habo-yar u aheyd.

Hooyo Fartuun oo wareysi siisay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in gabadha inta aan la helin meydkeeda la weysanaa mudo 15 maalmood ah, isla markaana uu jiray muran waayihii dambe u dhaxeeyay, iyada iyo habar-yarteed oo markii dambe dishay.

Hooyo Fartuun waxa ay sheegtay in markii falkaasi dhacay ay ku sugneed Muqdisho oo ay deganeyd, balse ay gaari raacday markii lagu soo wargeliyay in la waayey gabadheedii, sidaasna ay ku gaartay deegaanka Godinlabe, si ay wax uga raadiso.

Mudo ay baadi goobayeen kadib waxa ay sheegtay in duleedka deegaanka ay ka heleen meydka gabadha oo u muuqday mid mar hore la gowracay.

“Markii falku dhacay Xamar ayaan joogay, oo waan deganahay, hooyadey oo ku nool Godinlabe ayaa itiri isii gabadha aan adeegsadee, runtii hooyo waa jecleyd ilamaha, balse cadaw ay dhashay ayaa la joogay, seddax jeer waxaa si khaas ah ii soo wacay gabadheydii oo I dhaheysa ‘hooyo aniga habaryar waa I dishay, waxayna ileedahay surka ayaan kaa goynaa’ iyadii ayaan wacay oo waxaan iri maxaad ka rabtaa gabdha yar ee aan ciidanimada inkugu soo diray, waxayna iigu jawaabtay hooyo ayey igu dirtaa” ayey tiri Fartuun oo dhashay gabadha la gowracay.

Hooyo Fartuun ayaa sheegtay in walaasheed ay qiratay inay gowracday gabadha yar, kadib markii ay si khasab ah uga waday guriga, sidaasna ay u geysay meel duur ah oo ay ku gowracdo.

“Waa ay qiratay oo waxay tiri maalinka aan falkaas sameeyey hooyo ayaa magaalada aaday, markey baxdana waan garaacay gabadha iyadoo jilicsan oo dhiig tufeysa ayaan weday, waxaan geeyey meel ceelal leh, waxaan damcay in aan ceelka ku rido, hadana waxaan is iribey tiri amey kugu dhegtaa oo aad iskula dhacdaan, kadibna waxaa igu soo dhacdabey tiri in aan gowraco oo sidaas ayaan ku gowracay” waxaa sidaas tiri Fartuun Caddaan Sheekh Cali oo ah hooyada dhashay gabadhii lagu gowracay Godinlabe.

Hoos ka dhageyso wareysiga