Qarax goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Qarax oo ahaa miino ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay agagaarka madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim Salaad Xasan oo ku taalla degmada Hodan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxaas lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomnaaliya oo marayey halkaasi.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay qaraxaas oo jugtiisa si weyn looga maqlay xaafadaha qaar ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo xiray aaga uu qaraxu ka dhacay.

Bishii hore ee June 18-keedii ayey aheyd markii qarax noocan oo kale ah uu ka bad-baaday taliye kuxigeenkii hore ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Jen. Maxamed Cali Bariise, kaas oo lagula eegtay agagaarka meesha uu maanta qaraxa ka dhacay, balse wuxuu khasaare xoogan qaraxaas ka soo gaaray dad shacab ahaa oo la socday mooto Bajaaj.