Madax Carbeed oo Israel u sameeyey ballan-qaad yaab leh oo la xiriira qorshaha ay ku goosaneyso D/Galbeed

Qaahira (Caasimada Online) – Saraakiil derajadoodu sarreyso oo ka tirsan dowladaha Sacuudiga, Masar, iyo wadamo kale oo gacanka ku yaalla, ayaa dhiggooda Israel u ballan-qaaday in aysan qorshaha ugu jirin in ay talaabo ka qaadaan qorsha ay Israel  ku goosaneyso dhulka reer Falastiin, sida uu wariyay wargeys laga leeyahay Israel.

Wadamada Carbeed waxay Israel ugu jawaabi doonaan cambaareyn afka ah oo keliya, ayuu weriyay wargeyska Israel Hayom oo aad ugu dhow Ra’iisul wasaaraha Yahuudda Benjamin Netanyahu, isagoo soo xiganaya ilo-wareed diblomaasiyadeed.

Tallaabo kale oo taas ka dheeri ah waxay Carabta ka imaan kartaa hadii ay dadkoodu caro la kacaan oo ay banan baxaan, ayuu wargeysku qoray.

Ilaa iyo hadda Boqor Cabdalaha Jordan ayaa kasoo horjeestay qorshaha dhul goosiga Israel. Boqortooyadu waxay rumeysantahay in dhul-goosigu uu keeni karo banana-bax rabshadeysan oo khatar ku ah xasiloonida Jordan.

Bishii lasoo dhaafay, warbixino ayaa sheegay in kulan qarsoodi ah uu dhexmaray madaxa sirdoonka Israel  iyo hogaanka dhawr wadan oo carbeed.

Madaxa hey’adda sirsoonka Israel ee Mossad, Yossi Cohen waxaa uu la kulmi doonaa hoggaanka carabta si uu u qiimeeyo una yareeyo mucaaradadda qorshaha Israel ay ku goosaneyso dhul weyn oo ka tirsan Daanta Galbeed, sida ay baahiyeen warbaahinta Israel.

Qorshaha Israel  ay ku goosaneyso seddax qeybood meel ka mid ah Daanta Galbeed, waxaa dhabaha u xaaray waxa Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ugu yeero “Heshiiska Qarniga” iyadoo ay jirto cambaareynta caalamka ee talaabada sharci darrada ah.

Qorshuhu waxaa uu soo jiitay cambaareyn caalami ah, Falastiiniyiintuna waxay isku deyayaan in ay taageero ka helaan Yurub, si Israel  loogu cadaadiyo in ay iska deyso mashruucan deegameynta ah.

Jordan iyo Masar waa labada wadan ee carbeed oo xiriir rasmi ah la leh Israel , laakiin wadamadda Gacanka, oo ay ka midyihiin Sucuudiga iyo Imaaraadka, waxay ka digayeen in wadanka la qaadaco, maadaama ay ka dhexeyso arrin ka dhan ah Iran.