QATAR oo lagu eedeeyay in ay DFS u isticmaasho sida kooxaha aan dowliga aheyn

Muqdisho (Caasimadda Online) – Hogaamiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dowladda Qatar ku eedeeyay iney xukuumadda hadda jirta ka dhiatay sida koox ay adeegsaneyso.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo xilal kala duwan kasoo qabtay dowladahii ka horeeyay xukuumadda hadda jirta ayaa wareysi siiyay talafashinka maxaliga ah ee Shabelle wuxuuna aaminsan yahay in dowladda carbeed ay laaluush siiso xukuumadda Farmaajo si looga fushado ujeedooyin gaar ah.

Cabdiraxmaan oo ah xubin adag oo dhanka mucaaradka ah ayaa fahamsan in Qatar aysan wax taariikh ah ku laheyn xiriirada arrimaha dibadda dowladda Soomaaliya.

“Dowladda Qatar waa mid mar walba ka shaqeysa qalalaaso kaliya, waxaana caddeynaya ururada ay la macaamileyso, dowladaha caalamka qaar si ayay u shaqeystaan, qaar xiriirka taraiikhiga ah ayay ku shaqeystaan, qaarna mucaaradka, jabhadaha iyo ururadada ayey la shaqeystaan, waana sababta ay Qatar xafiisyo ugu ogolaatay Taliban, Xamaas, Xisbulah, Aqwaanu Muslimiin; saameyntooda waxay ku raadinayaan in ay taageeraan kooxaha aan xukuumadaha aheyn” ayuu yiri C/raxmaan C/Shakuur.

Sidoo kale wuxuu intaas raaciyay in Qatar ay Dowladda Soomaaliya u isticmaaleyso sida koox ay kula dagaallameyso dowlado kale iyadoo lagu colleysiinayo xiriirada ay la leeyahiin.

“Qadar sideedaba dowlad taageerta dowladaha ma aysan ahayn; dowladeeniiyee waxay ka dhigtay none state actor, waxay rabtaa in ay dowladeena u isticmaasho in ay tahay koox dadka iyo dowlado kale lagu dhibaayo oo xiriirkooda lagu xumaynayo, dowladeena haatan waa aalad ay Qadar u isticmaasho in ay dowlado kale ku dhibto”

Dowladda Qatar waxaa lagu eedeeyaa iney bixisay dhamaan dhaqaalahii ay dowladda dhexe u adeegsatay arrimo siyaasadeed oo dalka ka dhacay sida Mooshinkii lagu riday afhayeenkii Golaha Shacabka, Prof Maxamed Cismaan Jawaari, madaxweynayaashii Galmudug iyo Koofur Galbeed iyo

Waxaa intaas dheer in taliyaha Sirdoonka dowladda Soomaaliya Fahad Yaasiin Daahir uu horay ula soo shaqeeyay TV-ga Al-Jazeera ee laga leeyahay Qatar, kaas oo ah furaha isku xira Muqdisho iyo Doha waxeyna dadka siyaasadda la socda sheegaan inuu yahay udub dhexaadka dowladda Farmaajo.