Xog: Golaha Shacabka oo la horgeeyay qodob iyaga iyo siyaasiin kalaba halis ku ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Sharci ay dhawaan Golaha Shacabka horgeysay wasaaradda amniga Soomaaliya ayaa waxaa ku jira qodob ay il gaar ah ku haayaan xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Qodobkaan ayaa ah mid baasaboorka Diblomaasiga Soomaaliya loogu diidayo Xildhibaanada, wasiirada iyo saraakiisha kale ee dowladda markii ay ka baxaan liiska shaqaalaha dowladda ay dib ugu soo laaban waayaan kuraasta ay ku fadhiyaan.

Golaha wasiirada Soomaaliya ayaa dhawaan sharcigaan meel mariyay, waxaana socda kulamo gaar gaar ah oo ay ka leeyihiin xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Cabdiwali Sheekh Ibraahim Mudeey, oo ah guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka ayaa fadhiga Golaha ka hor sheegay in il gaar ah ku eegaan qodobkaan, isagoo u raaciyay in ay ku xisaabtaan in qaarkood aysan soo laaban doonin sharcigaana uu qaban doono haddii aysan hadda iska qaban.

Sharcigaan oo ku saabsan socdaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa ku jira qodob sheegaya in shaqaalaha dowladda laga qaadi doono Baasaboorka Service-ka haddii ay ka baxaan shaqada dowladda ama la ruqseeyo.

Lama oga go’aanka ay Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ka qaadan doonaan qodobaan oo qaarkood doodo kulul ka qabaan.

Golaha wasiirada Soomaaliya ayaa dhawaan sharcigaan soo ansixiyay iyagoo sheegay iney muhiim tahay in sidaan baarlamaanka ku meel mariyaan qodobada aan kor ku soo sheegnay.