Diyaaraddii ay celisay DF ee ku socotay Hargeysa oo lacag badan lagu waayey

Nairobi (Caasimadda Online) – Ganasatada khaadka ee dalka Kenya ayaa la kulmay khasaare xooggan oo lacageed kadib tallaabadii ay dowladda Soomaaliya diyaaradda uga celisay maagalada Hargeysa bilowgii isbuucaan.

Ganacsatada waxey sheegeen iney la kulmeen khasaare xooggan, khaadka saarnaa diyaaradda oo lagu sheegay 13.6 tan ayaan gabi ahaan la dajin waxaana dib loogu celiyay halkii laga keenay.

Gudoomiyaha ururka ay ku mideysan yahiin ganacsatada khaadka Kenya ayaa la hadlay warbaahinta gudaha ee wadankiisa wuxuuna sheegay in diyaaradda lasoo celiyay markii hore loo ogolaaday iney halkaas tagi karto.

Nyambene oo ah gudoomiyaha ururka wuxuu saxaafadda la wadaagay in lacag dhan 80 kun oo Dollar ay khasaarayaan hadii aan khaadka lagu geynin wakhtiga loogu talgalay.

“Khaadka qiimahiisa wuxuu ahaa 30 kun dollar, 25 kun dollar waxey noqoneysaa gaadiidka lagu qaadayo oo aan dib loo soo celin Karin, waxaan aqbalaad ka helnay hay’adda duulista rayidka ee Somaliland, wax walba waxey u socdeen si fiican ilaa markii dambe ay diyaaradda gashay hwada Soomaaliya, dib u laabo waxaad sidaa shixnad sharci darro ah ayaa lagu yiri duuliyihii diyaaradda” ayuu yiri Munjuri oo la hadlayay Standard.

Shixnadii sharci darrada lagu tilmaamay ee laga soo celiyay Hargeysa waxey wali taallaa garoonka Jommo Kenyatta, waxeyna doonayaan ganacsatada iney ogaadaan sababta dhabta ah ee loo soo celiyay diyaaradda.

Ganacsatada reer Kenya ee khaadka iney suuq ka helaan Somaliland aad ayey ugu farxeen maadaama markii hore uu uga imaan jiray Itoobiya oo ay rabshado ka jiraan, waxaana kuwa Kenya heysatay suuq la’aan baahsan tan iyo markii uu dilaacay COVID19.