Taliska Booliska oo war ka soo saaray amniga Galmudug

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Taliska Booliska ee ka howlgala Dhuusamareeb ayaa ka hadlay amniga magaaladaasi iyo guud ahaan gobolka Galgaduud.

War ka soo baxay taliska ayaa lagu sheegay in ciidamadu ay howlgallo ka sameeyeen duleedka Dhuusamareeb, islamarkaana aysan jirin wax jidgooyo oo yaalla halkaasi.

Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamadu ay xoojiyeen amniga, islamarkaana ay heegan ugu jiraan ka hortaga suurta galnimada falalka liddiga ku ah amniga.

“Taliska Booliiska Magaalada Dhuusamareeb  waxaa uu u Cadaynaya Bulshada in aysan Jirin wax Jidgooyo ama Isbaaro ah oo yaala Jidkaasi , Waxaana Howl Joogto ah ka Haya Ciidamada Booliska oo Fariisimo ku leh Wadada, sidoo kalana Roondo Joogto ah ka Sameeya Inta u dhexeysa Godinlabe iyo Mareergur ayaa lagu yiri.” ayaa lagu yiri warka taliska.

Sidoo kale taliska Booliska Dhuusamareeb ayaa shacabka ku dhaqan magaaladaasi ugu baaqay inay kala shaqeeyaan nabad gelyada.

Muddooyinkii dambe ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa xoojiyey ammaanka deegaanada Galmudug oo la filayo in doorasho ay ka dhacdo maamulkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
caasimada@live.com