“Taliska ciidanka milatariga Somaliland oo dhowr beel oo kooban u gacan galay”

Hargeysa (Caasimada Online) – Siyaasi Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa oo kamid ah Siyaasiyiinta mucaaradka ee qeybata ka ah Xisbiga Waddani ayaa sheegay in Taliska Ciidamada Militeriga Somaliland uu u gacan galay beelo gaara.

Buubaa oo u waramaayay warbaahinta maxaliga ah ee Somaliland ayaa tilmaamay in hanaanka dhismaha ciidanka Militeriga uu yahay mid loo maray qaab khaldan waxa uuna cod dheer ku sheegay in hal beel ay hayaan qeybaha uu ka kooban yahay Taliska.

“Anigu waxaan dhaliilsanahay hanaanka dhismaha ciidanka Militeriga, waxaanu qirayaa in qeybaha uu ka kooban yahay taliska ay wada hayaan shaqsiyaad hal dhinac ah”

“Ka beel ahaan anigu waxaan kasoo jeeda Garxajis cidna kama dhexmuuqato taliska, beelaha kale qaarkood sidaa ayaa loo dulmiyay oo waxa ay ka cabanayaan cadaalad daro”

Buubaa waxa uu sheegay inuusan garankarin sababta hal dhinac loogu badiyay Hay’adda Militeriga waxa uuna carab dhabay in maamulka Biixi laga doonaayo inuu u cadaalad falo qabaa’ilada.

Buubaa waxa uu sidoo kale, sheegay in maamulka jira uu isku khaldaayo xilalka guud iyo kuwa gaarka ah, waxa uuna tilmaamay in Somaliland ay mudan tahay in laga dhaafo waxa uu ku sheegay qabiil uruursi.

Haddalka Buubaa ayaa u muuqda mid lagu duraayo maamulka Hogaamiye Muuse biixi oo inta badan loo muujiyo dhaliilo ku saleysan dhanka uroonaanshaha beeshiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com