Sawirro: Madaxda maamul goboleedyada qaarkood oo maanta gaarey Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxaa goordhow gaaray Madaxweynayaasha Maamulada Galmudug iyo Hir-Shabeelle iyaga oo ka qeybgalaya shirka madaxda maamul goboleedyada ee ka dhacaya magaalada Kismaayo.

Garoonka Diyaaradaha Magalada kismaayo waxaa ku soo dhaweeyey Wafdiga Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) iyo mas’uuliyiin kale.

Shirka madaxda maamul goboleedyada  oo lagu wado inuu berri ka furmo magaalada Kismaayo ayaa looga hadlayaa ismaandhaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada, gaar ahaan khilaafka u dhaxeeya  Maamulka Jubbaland iyo Dowlada Federalka ah.

Sidoo kale waxaa kulanka inta uu socdo la filayaa sida aan Wararka ku helnay inay doortaan Guddoomiyaha Golaha Iskaashiga dowlad Goboleedyada oo uu hadda guddoomiye ka yahay Cabduweli Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Maamulka Puntland.

Waxaa la filayaa in dhowaan ay gaaraan magaalada Kismaayo Madaxda maamulada Puntland iyo Koofurgalbeed.

Shirka maamul goboleedyada ayaa noqonaya kii 3aad oo ay isugu yimaadaan tan iyo markii sanadkii hore lagu dhisay Kismaayo Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com