Taliska guud ee ciidanka iyo Gobolka Banaadir oo maanta ka shiray amniga Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta shir ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaasi oo looga hadlayay amniga caasiamda dalka.

Kulanka ayaa si gaar ah uga dhaxeeyay Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) oo sidoo kale ah Duqa Muqdisho, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Farxaan Maxamuud Qaroole.

Waxaa looga hadlay kulankaan u diyaar garowga maalmaha xoriyada ee 26-ka June iyo 1-da Luulyo oo dhawaan ka bilaabmaya magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Saalax Cumar Xasan, Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir oo kulanka maanta faah-faahin guud ka bixiyay ayaa sheegay in sidoo kale looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee amniga magaalada muqdsho iyo wada-shqeynta Ha’adaha Amniga iyo Mas’uuliyiinta degmooyinka.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in kulanka maanta mas’uuliyiintu diirada ku saareen sidii loo joogteyn lahaa kulamada looga hadlayo amniga iyo sidii loo adkeeyo amniga caasimada.

Kulankaan ayaa imanaya xili ay degmooyinka gobolka ay kasoo cusboonanayeen xaalado amni darro iyo weliba diyaar garow loogu jiro xuska maalmaha xoriyada ee 26-June iyo 1-da Luulyo oo ka dhacaya magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.