Dowlada Soomaaliya ayaa afar taliye waxaa ay u xirtay qaraxii gaariga ahaa ee ka dhacay afaafka hore ee xarunta Golaha Shacabka oo Baarlamanka ay ku shiraan.
Taliska Booliska Dowlada ayaa maalmahan waxaa ay ku howlanaayeen baaritaano ku aadan sida uu ku yimid qaraxa,waxaana baaritaankaas ka soo baxaya faah faahino badan.
Jen.Axmada Xasan Maalin oo ah Taliyaha dambi baarista Dowlada soomaaliya ayaa sheegaya in baaritaankaas uu maal fiican u marayo yna u xireen ilaa afar Taliye.
Xiritaan Taliyaashaan ayaa waxaa uu Jen. Axmad Xasan Maalin uu sheegayaa inuu soo maray gaaariga qarxay isgoysyo Baabuurta lagu baaro oo iyaga ay masuul ka ahaayeen.
Afarta Taliye ee loo xiray qaraxaas ayaa waxay kala yihiin Taliyaha Saldhiga Booliska Xamarweyne, Xamar Jajab, Waabari iyo Wardhiigley, kuwaa oo dhamaantood tuhun laga qabo kulug lahaanshaha qaraxa.