Taliyaha ciidanka booliska Puntland oo sabab yaab leh ku dhaawacay ku-xigeenkiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Garowe ee maamulka Puntland, ayaa sheegaya in Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Cabdiqaadir Faarax Shire uu dhaawacay taliye ku-xigeenkiisa Ciidamada Booliska.

Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland ayaa ku-xigeenkiisa dhaawacay kadib markii ay isku khilaafen kulan u dhexeeyay laamaha amniga oo ay kuwa sugnaayen.

Taliye ku-xigeenka la dhaawacay ayaa lagu magacaabaa Bile Faarax Cali, waxaana mas’uuliyiinta ku sugnaa kulanka kamid ahaa Gudoomiyaha Nugaal Cumar Faraweyne.

Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Cabdiqaadir Faarax Shire ayaa muranka kadib lasoo baxay bastoolad waxa uuna laba xabadood ku dhuftay taliye ku-xigeenka.

Gacan qaadka iyo is rasaaseynta labada mas’uul ayaa ka dhacay Hotelka Jubba ee magaalada Garowe waxaana sidoo kale falkaasi goobjoog ka ahaa taliyayaashii Amniga ee Puntland.

Khilaafka labada mas’uul ayaa ka dhashay taageero loo kala muujiyay Hogaamiyaha maamulka iyo ku-xigeenkiisa oo iyaguba ay xurguf u dhexeyso.

Ma jiro wax haddal ah oo ku saabsan dhaawaca taliye ku-xigeenka oo ilaa iyo hadda kasoo baxay maamulka Puntland, waxaana arrintaan ku guda jira mas’uuliyiin dhowr ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com